Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dad Loo Soo Qab-qabtay Dilal Ka Dhacay Magalada Hargeysa Iyo Tuug Dadwaynuhu Ka Qaaliyeen – See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Taliyaha-Ciidanka-Booliska-Oo-Ka-Hadlay-Dad-Loo-Soo-Qab-qabtay-Dilal-Ka-Dhacay-Magalada-Hargeysa-Iyo-Tuug-Dadwaynuhu-Ka-Qaaliyeen.html#sthash.wDN8upKc.dpuf

Hargeysa(msl)Taliyaba Booliska Somaliland Gen:Cabdilaahi Imaan Fadal, ayaa sheegay inay soo qabqabteen dad lagu tuhmayo inay dhowaan laba dumar ah ku dileen magaaladda Hargeysa iyo dad kale oo ah dad caruurta tahriibiya ah.

Taliyaha oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inay laba dil ah oo toddobaadkii hore magaaladda Hargeysa ka dhacay ay dadkii falkaasi geystay qaarkood xalay qabtaan, halka tuug badan oo magaaladda dhibaato ku haysayna ay maxkamadda xukuno kala duwan ku riday.

“Ciidanka boolisku wuxuu galay baadhis qotodheer iyo xuuraan culus sidii ay u heli lahaayeen laba dumar ah oo meelo kala duwan lagu dilay cidii dishay, xalay abaaro labaddii habeenimo ayaanu helnay laba qof oo lagu tuhmayo inay dileen mid ka mid ah gabadh bishan june 18 keeddii lagu dilay galbeedka magaaladda Hargeysa, waxa kale oo jiray gabadh kale oo lagu dilay calaamadaha waxa u xidhan hal dumar ah oo iyadana baadhis ayaa lagu waddaa”ayuu yidhi Taliye Fadal oo ka waramayey dad ay usoo qabqabteen dilal ka dhacay magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu kaloo sheegay inay tuug badan ay qabteen, kuwaas oo xukuno lagu riday maanta, waxaanu yidhi “Waxaanu qabqabanay 48 qof oo tuug ah, waxaana maanta maxkamadda gobolku ku xukuntay laba bilood oo xadhig ah, waana hawlgal socon doonno”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay inay qabqabteen dad lagu tuhmayo inay tahriibiyaan dhaLlinyarada kuwaas oo la horgeeyey maxkamadda gobolka Gabiley.

“Ciidanka Booliska oo kaashanaya ciidanka socdaalka Somaliland waxay ku guulaysteen 160 dhalinyaro la tahriibinayey inay soo qabtaan una soo gudbiyeen waalidkood, kuwii tahribinayeyna waxay maxkamadu kaga socotaa Maxkamadd Gabiley, waxa kale oo jira shakshiyaad iyaguna la raadinayo waana aafo qaran dhalinyarada la tahriibinayo”ayuu sheegay taliyuhu mar ay ka hadlayeen dad ay ku soo qabqabteen tahriibka iyo kuwa wax tahriibiyaba.

Si kataba ha ahaatee, toddobaadkii hore horaantiisii ayaa waxa laba dumar ah lagu dilay galbeedka iyo koonfurta magaaladda Hargeysa, taas oo dadka magaaladda ka yaabisay, isla markaana si wayn loo hadal hayey, haseyeeshee waxa la sheegay in dadkii lagu tuhmayey dilalkaasi gacanta lagu hayo ka dib baadhitaan dheer, waxaana labaddaasi dumar mid Toori lagu dilay mid rasaas.

Falka dilka ah ayaa ah mid ku cusub magaaladda, waxa inta badan dilkaasi sababay tuug Moobiladda dhacaya, taas waxay dadweynaha ku eedeeyeen xukuumadda maadaama oo dhowaan xabsiyada ka sii daayeen dad ku dhow boqol tuug ah oo xabsiyadda ku jiray, taasina waxay keentay inay batan dilalka iyo dhaca dadka habeenkii socda oo aan hore loo arki jirin.

Mar kasta oo madaxweynuhu cafiyo tuugta ku jirta xabsiyadda, waxa bata dhaca iyo tuugadda ay sameeyaan ragaasi, waxanay keentaa in mar labaad dib loo soo qabqabto oo xabsiyada lagu guro, ka dib markay dadku khaatiyaan ka joogsadaan falalka ay ku kacaan Tuugtaasi.

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Taliyaha-Ciidanka-Booliska-Oo-Ka-Hadlay-Dad-Loo-Soo-Qab-qabtay-Dilal-Ka-Dhacay-Magalada-Hargeysa-Iyo-Tuug-Dadwaynuhu-Ka-Qaaliyeen.html#sthash.wDN8upKc.dpuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com