Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taageero Qaran Iyo Tamar Dhaqaale Iyamaa Lagula Tacaali karaa Tabbaalada Tahriibka?faalada shabakada ee maantasomaliland

Taageero Qaran Iyo Tamar Dhaqaale Iyamaa Lagula Tacaali karaa Tabbaalada Tahriibka?faalada shabakada ee maantasomaliland

Waxay ahayd Tallaabo aan u fahmay inay Xukuumaddu u diyaar garowday inay la kifaaxdo xakamaynta tahriibka dhalinyaradda oo beryihii u dambeeyay aad u afar laabmay, taasi oo tacabirka biimadda ah tabaaladiisa iyo dhiiladiisu ku badatay dhegaha Xukuumadda oo mararka qaarkoodna Mucaaridku ka dhigteen boog ay ku xanuujiyaan, kuna xan-xanteeyaan xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waa sidii Go’aanku ahaaye’ waxa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu habeenimadii 23-kii Bishan June soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay Guddi heer Wasiiir ah oo ka kooban 7 Wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa, waxa uu u xil saaray ka hortaga tahriibka iyo shaqo abuur-ka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Gudidan Magacaabay sadex maalmood ka hor sanad-guuradda sadexaad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland looga dareeray codbixintii doorashadii labaad ee Madaxtinimadda 26-kii June 2010-kii oo uu isagu ku noqday Hoggaamiyihii ummaddu si midaysan ugu cugteen cod buuran. Madaxweynuhu waxa uu dareensan yahay taas waxa himilooyinkiisii ololaha doorashaddana meel sare kaga jiray hakinta tahriibka da’yarta.

Guddidan oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka shaqadda iyo Arrimaha bulshadda isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Dhalinyaradda iyo ciyaaraha, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta,Qorshaynta Qaranka iyo Cadaaladda iyo Garsoorka. Waxa kale oo loo masuuliyadan loogu lamaaneeyay inay wax ka qabtaan qodob muhiim ah oo ah kalmadda “SHAQO ABUURKA”. Waa shaqo la’aanta asbaabaha tacabirka iyo tahriibka la isugu tilmaamay.

Magacaabista ka sokow Madaxweynuhu si cad buu ula dar-daarmay Gudidan hawsha weyn loo diray.“Mudanayaal,Sida aad ka war-haysaan, waxa isa-soo-taraya dhalinyarada tahriibka u xadhko-xidhanaysa, kuwaas oo saamayn ku yeeshay Bulshadda Somaliland, maadaama tahriibku yahay aafo laga dhaxlo haligaad nafeed iyo ummadeed.Haddaba, si aafadaasi loo soo afjaro, isla markaana loo badbaadiyo da’yarta, waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka. Waxaana guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Waxaanu sii faray “Sidaa darteed, mudanayaal, waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.”

Intaas haddii aan kaga nimaadno warqadda Gudida lagu dhisay iyo masuuliyadda loo qayday, waxa kale oo iyana xubnaha gudidani xulani ay yihiin kuwo mid waliba door ku yeelanayo wax ka qabashadda aafadan dalka laf dhuun gashay ku noqotay.

Wasiirka Shaqaadda iyo Arrimaha Bulshadda oo Guddoomiye u ah iyo Wasiirka Qorshayntu waxay ka soo galeen midina waa wasaaradii ay ahayd inay curiso shaqooyinka, midina waa Wasaaradii qorshaynta oo labaduba waa u laf-dhabar.
Wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaruhuna waxa uu ka soo gelayaa waa wasaaradda Xukuumaddu u igmatay horumarinta da’yarta iyo jiilka soo koraya.

Wasiirka Daakhiliguna waa ka ay tahay inuu dhalinyarada xadka ka xidho si aanay ugu fududaan inay iyagoo kooxo ah rag iyo dumarba leh duhur cad dalka ka shiraaqdaan. Wasiirrada Warfaafinta iyo Diinta iyo Awqaafta ayaa iyagana la rumaysan yahay inay doorkoodu noqonayo dhinaca wacyigelinta bulshadda.

Wasiirka Cadaaladda ayaan isma malayaga u qaatay in loogu soo daray si uu u fududeeyo nidaam sharci oo lagu maxkamadeeyo kooxaha waxtahriibiya.

Guddidan waxa hortaala hawl baaxad leh oo ay siday uga libkeenaan ku xidhnaanayso iskaashiga iyo wada shaqaynta ay bulshadda kala sameeyaan labadan mawduuc ee waaweyn isla markaana xasaasiga ah.

Waxa hawlaha miiska u saarani iskugu jiraan daraasado cilmiyeed, wacyigelin, dejinta qorsheyaal iyo mashaariico shaqo abuur oo la jaan-qaadaya tamarta dhaqaale.

Waxa la gudboon inay tirada ku daraan inay wacyigelinta tahriibka aanay ku koobin oo qudha dhalinyaradda ee ay xataa si caam ah u wada gaadhsiiyaan bulsho-weynta oo dhan, sababtoo ah waxa qeyb ka ah tahriibka waalidka guryaha, dhulka, dahabka,Baabuurta iyo hantidooda ma guurtada ah u xaraashaya dhalinyaradda sibiq-dhaqaaqday.

Waxa gudidan horyaala inay tallada badsato isla markaana ay dhegaystaan aragtiyaha mawduucan ku taxan ee mucaaridka. Xisbiyadda mucaaridka ahna waxa waajib muqadas ahi ka saaran yahay inay indho waddaniyadeed iyo lex-jeclo ay ku eegaan mushkiladdan qaran ee Guddidan loo saaray isla markaana ay ku dedaalaan inaanay siyaasadeyn.

Xisbiga UCID ayaa isagu war-saxaafadeed ka soo baxay xisbigooda oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha arrimaha Dibadda Maxamed Mingiste waxa uu sidii laga arki jiray mucaaridka xukuumadda ku eedeeyay masuuliyadda tahriibka. Eedahaasi ma uu raacin xisbiga iyo sarkaalkooda hadlayba wax tallooyin ah oo xal loogu heli karo tahriibka. Waase inay sidaasi ka koraan oo galdaloolada u barkiciyaan tallo soo jeedimo sababaysan oo wax uun laga qaadan karo.

Ganacsatadda iyo maal-qabeenadda ayaa iyana door aan la yaraysan ka qaadan kara inay xukuumadda ka gacan siiyaan fursado shaqo abuur loogu samaynayo dhalinyaradda. Waxa indhaha bulshadu ku hayn doontaa illaa xadka ay wax u huraan bulshadooda oo ay qorshaha dhow ku kordhiyaan mashaariic shaqo loogu ikhtiraacayo da’yartooda.

Ugu dambayntii Gudida waxa looga baahan yahay inay deg-deg u hawlgasho isla markaana ay intii ILAAHAY ka karsiiyo isku shuqlaan barnaamijkan qaran ee Madaxweynuhu ikhtiraacay inuu dawladiisu xal u hesho si kaydka bulshaddu u curdan dhadhin.

Cumar M Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com