Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay Inaan Somaliland Loo Wer-werayn Inta Siilaanyo Hoggaaminayo

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay Inaan Somaliland Loo Wer-werayn Inta Siilaanyo Hoggaaminayo

June 24th, 2013 Comments Off

“Ingiriiska Iyo Obama Ugama Haybadaysanayno Waxaanay Ummadayadu Doonaynin”

HARGEYSA (msl)-Guddoomiyaha xisbiga talladda haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag u difaacay siyaasadda dibadda Somaliland oo uu sheegay inay nuxurkeedu yahay sidii Somaliland oo madax banaani ay beesha caalamka uga mid noqon lahayd.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu hadalkan ka sheegay xaflad ay Wasaaradda ciyaaruhu abaal-marino ku gudoon siinaysay ciyaartoygii ugu gool dhalinta badnaa iyo shakhsiyaadkii kaalinta weyn kala qaadatay hirgelintii iyo isku dubo ridkii tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland ee la soo gabo-gabeeyay Jimcihii Todobaadkan.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu si qoto dheer uga hadlay siyaasadda dibadda Somaliland, waxaanu yidhi “Qodobka innoogu adagi waa Arrimaha dibadda, mucaarid badan baa KULMIYE ku canaanta Arrimaha dibadda, waxaan doonayaa inaan inyar cadeeyo. Maanta dibadda halkee ayaynu maraynaa? Arrimaha dibadda sadexdaas sanadood waxa uu ku socdaa waxa nuxur u ah Khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyay Ankara Raysal Wasaaraha Turkiga hortiisa isagoo fadhiyay markii la doodayay ninkaas Xamar xukuma ee Xasan-ka Madaxweynaha Soomaaliya. Garnaqsigeenu wuxuu ahaa kamay dhicin caalamka meel inta la xasuuqay oo diyaaradii halkan ka kacday ay xasuuqday oo haddana lagu odhanayaa iyagaa lagugu ictiraafayaaye’e dhegayso. Khudbadii Madaxweynuhu kula garnaqsaday Raysal wasaaraha Turkiga halkaasi oo Xasan-na fadhiyay taasi ayay ahayd.”

Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Soomaaliyi waxay wada hadlaysaa marka la aqoonsado wixii gaadhay dalkan iyo xasuuqii ku dhacay, inta ka horeysa waxba la wada hadli maayo. KULMIYE taasi ayaa udub dhexaad u ah. Dad badan baa imika wis-wisay oo yidhaahda KULMIYE halkee buu innagu wadaa Raysal wasaarihii Ingiriiskana waa la diiday wixii uu soo jeediyaye’ oo KULMIYE wuu inna gudoominayaa. Maya ayaanu leenahay waxaanu u sheegaynaa kuwa markay wis-wisaan Xamar u cararaya ama meelahaasi carcaraya waxaanu u sheegaynaa Ingiriiska Iyo Obama (Madaxweynaha Maraykanka) ugama haybadaysanayno waxaanay ummadayadu doonaynin.”

“Mid walba si cad ayaanu ugu sheegaynaa waxay ummadayadu doonayso, waxay doonaynaa Somaliland oo madax banaan oo xor ah oo nabad jaarkiisa iyo adduunka kula noolaada.laakiin isagu go’aankiisa iyo xoriyadiisa leh,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inaanay Somaliland werwarayn inta uu Hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu isbar bar dhigay Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dal nabad-doon iyo mid meel walba ay xabaddu ka dhacayso.
“Muxaafid iyo Mucaarid waxa inoo balan ah inaynu nabadgelyadeena iyo danaheena qaran wada ilaashano,”ayuu sheegay Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu Muuse Biixi ku dheeraaday oo dhalinyarada uga digay khatarta qabyaaladda iyo cunfigeeda.

wariye cawke

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com