Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Xirsi Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Taariikhdii Adkayd ee Somaliland U soo martay Xoriyadeeda

“Dhalinyarooy maanta qori iyo olol la idinkama rabo ee qalinkiina iyo caqligiina ku taageera dalkiina”

“Dhalinyaradu ha is Waydiiyaan waxa dalkooda u qabteen, balse waa in ayna is waydiin waxa iyaga dalkoodu u qabtay”

HARGEYSA(msl)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in munaasibadda 26-ka June ee 53-guuradii ka soo wareegtay calan-saarkii Somaliland ay tahay maalin ugu suntan qaranka xoriyad iyo damaashaad.

Wasiirku waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay sidii ay xoriyadii Somaliland ka heshay Ingiriiska ay shan maalmood ka dib gacantooda ugu rideen hog madow oo sababay silic iyo saxariir dambe oo lagu soo dhiciyay in dib loola soo noqdo madax-banaanidii iyo qaranimadii Somaliland.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu habeen hore ka jeediyay xaflad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda jaamacadda ALPHA oo lagu xusayay munaasibadda 26-ka June, waxaanu yidhi “ Caawa (Habeen-hore) waxaa ii farxad ahayd in aan ka qaybgalo munaasabad lagu xusayo Sanad guurada 53-aad ee ka soo wareegtay maalintii aan xoriyadeena ka qaadanay gumaystihii Ingriiska, munaasabadaas oo ka qabsoontay hotel Mansoor ayna soo agaasimeen ardayda wax ka barata Jaamacadda Alpha Qaybteeda barashada Culuumta siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “26-June waa maalin inoogu suntan xasuus iyo xaalad adag oo aan ka soo baxnay,waa maalin loo soo huray dhiig loona dhintay, waa maalin loo halgamay in idinku/inagu aan ku noolaano xoriyad iyo madaxbanaani. Alle naxariistii jano ka waraabiyo dadkii qoriga waranka kala hortagay. balse nasiib darro waxay ahayd uun 5 cisho ka dib markii god madow oo qadhaadh aan dib ugu ridnay xoriyadeeni isla markaana ugu magac darnay Midow!.”

“Silic iyo saxariir ayaan dib u galnay, jab iyo lama ilaawaan ayaan dib u mudanay markaan xoriyadeenii degdeg u luminay. Wakhtigu uu socday waxaana dib u bilaabantay rajo kale oo ay gadhwadeen ka yihiin ururkii SNM, markale ayaan xinjir iyo dhiig loo qubay si xoriyadiina dib aan ula soo noqono, si idinku maanta aad jaamacado uga soo baxdaan idinka oo caqli iyo cudud ahaanba xor ah,”ayuu intaas ku ladhay Wasiir Xirsi, sida lagu baahiyay bartiisa Internet-ka ee guusha.com.

Md. Xirsi waxa uu guubaabiyay dhalinyaradda oo uu u tilmaamay kaalinta ay ka qaadan karaan gedi socodka dalkooda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “ Allaha Naxariistii jano ka waraabiyo dadkii gadhwadeenka ka ahaa halkgaankaas dheer. Gabogabo, dhalinyarta maanta iyagana waxaa laga sugayaa kaalintoodi in ay ka qaataan taxanahaas dheer ee ilaalinta dalka ah.

Hadii dhalinyartii hore Gumaysi Ingiriis inaga xoreyeen , dhalinyartii ku xigtayna guumaysigii dadbanaa ee Kali taliskii Siyaas Barre afka dhulka u dareen , dhalinyarada maanta iyagana muxuu doorkoogu yahay?, maanta qori iyo olol la idinkama rabo ee qalinkiina iyo caqligiina ku taageera dalkiina.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ugu dambayn Dhalinyarada ugu soo hal-qabsaday hal ku dhig laga qoray mid ka mid ah Madaxweyneyaashii loogu jeclaa ee soo maray dalka Maraykanka, waxaanu yidhi”Dhalinyaradu ha is Waydiiyaan waxa ay dalkooga u qabteen, balse waa in ayna is waydiin waxa iyaga dalkoogu u qabtay” ” John. F.Kenedy” .. Somaliland Guul iyo Gobonimo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com