Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xarun Cusub Oo La Magacbaxday Xarunta Dhaqanka,Fanka Iyo Suuganta Somaliland Oo Hargeysa Lagu Daah Furay.

Xarun Cusub Oo La Magacbaxday Xarunta Dhaqanka,Fanka Iyo Suuganta Somaliland Oo Hargeysa Lagu Daah Furay.

Hargeysa() June27, 2013 -Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo xalay ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu daah furay xarun cusub oo lamagac baxday xarunta Dhaqanka,Fanka iyo suugaanta Somaliland.

Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen dad aad u farabadani oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali waraabe wasiirkii hore ee wasarada warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale,Abwaaniin iyo qaarka mid ah shirkadaha dalka,iyo waliba dad kale oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.

Ugu horayntiina waxa goobtaas ka hadlay Boobe yuusuf Ducaale oo ka mid ah aasaaseyaasha xaruntan, mudo kudhow rubuc qarni looma dhaqdhaqaqin, ama il naxariis leh laguma eegin dhaxalkii ugu mudnaa ee ay ummadani lahayd oo ah afka, dhaqanka,fanka iyo suugaanta, Rubuc qarni gaasba waxaa la kabayey oo la gufeynayey gabayadii kale ee dalka yaallay oo u badnayd mid maadiya iyo mid duleed oo nolol lagu raadinayay,sidaana waxaaa ku lumay aayii, aqoontii soyaalkii iyo dhaxalkii ma-guuraanka ahaa ee dadka iyo dalku lahaa oo ah afka dhaqanka,fanka iyo sugaanta waxay taariikhdu ina bartey in dadka aan la hayn dhaxalkii awoowyadood ay tahay bulsho lunsan oon meelna ku abtirsan”ayuu yidhi boobe yuusuf Ducaale.

Sidoo kalena waxa goobtaas hadal kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Warabe oo ku dheeraday muhiimada uu leeyahay Afkeenu iyo in la ilaaliyo dhaqanka suuban ee anynu dhaxalka u leenahay,aadna ugu mahadnaqay dadkii aasasay xarunta oo muhiim u ah bulshada .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com