Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne waan kugu hambalyaynayaa Digreetada aad ku xayirtay dhulka Freezoneka Berbera.

Hargeysa(msl)Mudane madaxwayne waa khalad in la daggo, la seesto, wax calaamad ahna lagu sameeyo dhulka Freezoneka danta guud ee loogu talo galay in Dekeda, Haamaha iyo Madaarkuba ku fidaan mustaqbalka dhaw iyo ka fogba marka bahideedu soo baxdo.Waliba dhulkani maaha oo qudha barxad u kaydsan in ay ku fidan mustaqbalka hayadahan dawliga, ee waxaa ku jira dhul ay ku kaydsan yihiin macaadin kala duwan oo ay ka mid yihiin ceelal shidaal oo sahankooda la samayeey aakhirkii sideetamaadkii qaarkoodna daboolkaba laga qaaday oo lagu guda jiray qodaalkooda intaanu dagaalku dhicin. Waxaa sidookale xusid mudan in dagida dhulkani ay khatar wayn ku tahay amni ahaan maraakiibta hoganaya xeebtan balaadhan ee dekada weyn ee Berbera iyo Kaydka Hamaha Shidaalka iyo waliba diyaaradaha ku soo degaya kana duulaya dhabaha caalamiga ah ee Berbera International Port.Sidaasi darteed, waxaan mar labaad ku hambalyaynayaa madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland, Ahmed Mohammed Mah’oud (Silaanyo) Digreetada uu ku xayiray dhulkani danta guud ah sidii ay sameeyeen madaxwaynayaashii kaa horeeyay oo kaleba. Iyada oo Digreetadii u horaysayna uu ka soo saray marxuum Maxamed Xaji Ibrahin Egal, mar labaadkiina uu mar kale Digreeto tii hore la mid ah uu ka soo saaray Mud. Dahir Rayale Kahin.Hadaba, sida aanu qabno cida laga xayirayaa dhalkan qolo maaha, ee waa budhcad ku mamtay boobka dhulka danta guud, cida loo ilaalinayaana qolo maaha ee waa qaranka Somaliland. Madaxwayne waxaanu mar labaad kaa codsanaynaa cidii dhulkaa danta guud eek u xeeran halbawlayaasha qaranka ku xadgudubtay iyaga oo og in dhulkani dan guud yahay oo amaro madaxwayneyaal oo kala dambeeyay ka soo baxeen, u badheedhay in ay si bahalnimo ah u xalaalaystaan in sharciga la mariyo; haday noqoto kii bixiyay iyo kii dhistayba.Ugu dambayntii waxaan leeyahay Masuuliyiinta ka tirsan golaha wakiilada iyo inamada kale ee ku muusanaabaya tolay yaa reer hebalaay iyo cidgaaraa loo jeeda ‘’Ma waddaan danta ummadda iyo ta gobolka toona.Guntii iyo gabagabadii waxaanu soo jeedinaynaa in madaxwaynu u saaro gudi baadhiseed oo sharciga horteeda keenta cidii ka dambaysay xadgudubyadii sharci ee ka dhacay halkaas iyaga oo fushanaya danahooda gaarka kuna tasarufay masuuliyadii ay u hayeen ummadda.

By: Muj: Ahmed Ibraahim (Wadne)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com