Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Wasiirrada Cusub Waxaanu Si Wada Jir ah Uga Wada shaqayn doonaa sii Hagaajinta Somaliland”

Hargeysa(MSL)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Wasiirrada cusub ee uu ku soo kordhiyay Golihiisa xukuumadda ay ka wada shaqayn doonaan horumarinta qaranka Somaliland oo uu tilmaamay inuu aad u jecel yahay dalkiisa hooyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay farriin kooban oo uu ku soo daabacay boggiisa adeega xidhiidhka dadweynaha ee Twitter-ka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayay Wasiirrada cusub ee uu magacaabay habeen sadexaadkii waxaanu yidhi “Dawlada Somaliland waxaa ku soo biiray xubno cusub oo Wasiirro ah .wada jir ayaanu uga wada shaqayn doona sii wanaajinta Jamhuuriyada Somaliland ee aanu jecelnahay”.

MSL/Hargeysa somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com