Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

qaar ka mida Saxaafadda Oo Xukuumadda Uga Mahad celisay In Dammaanad lagu sii daayo Masuuliyiinta HUBAAL

Saxaafadda Oo Xukuumadda Uga Mahad celisay In Dammaanad lagu sii daayo Masuuliyiinta HUBAAL

HARGEYSA (msl.)-Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland ayaa maanta u mahad celisay xukuumadda Somaliland iyo maxkamadda Racfaanka gobolka maroodi-jeex oo ay ku ammaaneen inay aqbaleen in dammaanad lagu sii daayo Maareeyaha wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tifaftiraha wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keef-keef).

Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ay maanta soo saareen, waxaanay ammaaneen kaalintii uu arrintan ka qaatay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay shaacinaysaa inay ku Guulaysatay maanta in Damaanad lagu sii daayo Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatiraha Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi (keef-keef) oo maalintii shalay Xabsiga loo taxaabay.

Labadan Wariye ayaa maanta Damaanad ay ku sii daysay Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodijeex, ka dib markii Qareenada u doodayaa Rafcaan ka Qaadatay Xukunkii ay shalay Maxkamada Gobolku xubnahaasi ku riday.

Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay u mahad naqaysaa Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duuraan) oo aqbalay in Labadaasi suxufi ay Damaanad Xasbiga kaga baxaan Racfaankooda la dhagaysto iyaga oo dibada jooga.

Saxaafada Madaxabanaan waxay sidoo kale u mahad naqaysaa Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka qayb qaatay sidii xal loogu heli lahaa xadhiga Suxufiyiintan.

Ugu dambayntii Warbaahinta Madaxbanaan iyada oo ku Baraarugsan Xilka Qaran ee Saaran iyo xaalada Guud ee Somaliland waxay ay sii wadaysaa Wadahadalada ay kula jirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, si Xal waara loogu helo is af-garanwaaga taagan, loona Sugo ku dhaqanka Sharciga iyo Sugnaanta Dumuquraadiyada Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH.”

xuseen xarbi
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com