Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawlada ingiriiska oo Shaaca ka Qaaday in ay Joojinayso Qaadka Soo Gala Dalkaasi. Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Wadanka Britain Teresa may ayaa Ku dhawaaqda

Dawlada ingiriiska oo Shaaca ka Qaaday in ay Joojinayso Qaadka Soo Gala Dalkaasi.

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Wadanka Britain Teresa may ayaa Ku dhawaaqday….

London (msl)- Dawlada ingiriiska ayaa Ku dhawaaqday in ay Joojinayso Guud ahaan Qaadka soo Gala Dalkaasi, oo Somalida iyo Ajaanib kale aad ugu isticmaali jireen si xor ah Wadanka UK Dhexdiisa halka Wadama Yurub iyo Maraykanka uu Mamnuuc ka yahay cunitaankiisa iyo ka Ganacsigiisuba.

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Wadanka Britain Teresa may ayaa Ku dhawaaqday in La joojin doona Qaadka soo gala Dalkaasi gabi ahaanba, Arintaasi oo Caqabad ku noqon doonta Somali badan oo Caadaysatay isla markaana isticmaali jiray Qaadka.

Dadka ugu badan ee Isticmaala Qaadka ayaa waxaa ka mid ah Somalida, Yementa iyo itoobiyaanka ku waasi oo dhamaantood wadamada ay ka soo jeedaan si xor ah loogu isticmaalo.

Go,aankan ayaa lidi ku noqon doona talo bixin ay soo jeediyeen Guddi sanadkii hore loo saaray ka talo bixinta waxyeelada Qaadka eek u saabsan dhinaca caafimaadka, kuwaasi oo taladoodii ay ka mid ahayd in aan la joojin qaadka.

Wadankan ayaa noqon doona wadankii labaad ee Yurub mamnuuca qaadka halka wadanka Holland sanadkii hore joojiyay ka ganacsiga jaadka isla markaana qofkii lagu qabto sharciga la mariyo.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com