Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Maxkammadda Dastuuriga ah ee Masar oo Loo Dhaariyay madaxweyne Ku meel gaadh ah

Qahira(MSL)Guddoomiyaha maxkamadda destuuriga, Cadli Mansur, ayaa loo dhaariyey xilka madaxweynaha dalka Masar.

Tani ayaa imaanayso kaddib markii militeriga uu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi, oo ah madaxweynihii ugu horreyay oo si dimuqraadiyad ah loo soo doortay.

Militeriga ayaa sidoo kale sheegay inay meesha ka saareen destuurka dalka Masar, oo sanadkii hore la ansixiyay.
Taageerayaasha Mursi ayaa tallabadan ku gacansayray, waxayna sheegeen inay tahay afgembi ay militeriga ku kaceen.
Waxa weli sii soconaya dibedbaxyada looga soo horjeeda Mursi, iyo kuwa lagu taageersanyahay, oo ka dhacaya dalka oo dhan.

Madaxweyne Barack Obama oo ka hadlay xukunka laga Tuuray Mursi waxa uu yidhi “Waan ka xumahay go’aanka militeriga ee xukunka looga tuuray Mursi.”

Afhayeen u hadlay xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda ee Mursi ayaa sheegay in taageerayaasha xisbiga ay ka hortagi doonaan isku dayga ah in dib loo celiyo dimuqraadiyadda dalkaas.

Mucaaradka ayaa soo dhaweeyay tallabada militeriga, waxayna ku doodayaan in Mursi uu ku fashilmay maammulidda dalka mudadii sanadka ee uu xilka hayay.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ka xunyahay waxa ka dhacay dalka Masar.

Dowladda Maraykanka oo kaalmada dhaqaale ee ugu badan siiso dalka Masar, ayaa sheegtay inay dib u eegayso arrintaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com