Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Haweenka Gobolka Hawd Oo Xaflad Casho Sharaf Ah Ku Maamuusay Ciyaartoydii Ku Ciyaaraysay Magaca Gobolka Hawd.

Hargeysa(MSL)Haweenka Dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Hawd ayaa Habeenkii Xalay ahaa casho sharaf Hoteel Crown Ee Magaaladda Hargeysa ugu sameeyay Ciyaaryahanadda Xulka Gobolka Hawd.Xafladdan casho sharafta ah oo ay daba socdeen shahaado sharaf iyo waliba deeq lacageed oo ay saddexddii ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa Guddoonsiiyeen Gudida Dhalinyaradda ee Goboladda Hawd, Hargeysa, Daad Madheedh, Oodweyne, Saaxil iyo Togdheer.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Sacad Xariir oo sheegay in ay ciyaaruhu ugu dhamaadeen si aad u qurux badan isla markaana waxa uu uga mahad celiyay haweenka iyagu is xilqaamay ee casho sharafta u sameeyay ciyaaryahanada xulka Gobolka Hawd.
?Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay kaalintii ay ciyaaryahanadda xulka Gobolka Hawd ka galeen ciyaaraha Goboladda Somaliland, waxaanan leeyahay ha is dhiganina sanadka dambe hadii alle idmo ayaad ku guulaysan doontaan koobka” ayuu yidhi.
Sidoo kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay haweenka iyagu casho sharaftaasi ku maamusay ciyaaryahanada Xulka Gobolka Hawd.
Waxa uu xildhibaanku tilmaamay in ciyaaruhu ay yihiin waxyaabaha bulshadda is bara isla markaana loo baahan yahay in ay bulshadu kaga korto qabyaalada.

?Waxa aan amaan u soo jeedinayaa ciyaaryahanada xulka Gobolka Hawd oo intii ay ciyaaruhu socdeen muujiyay dedaal iyo fir-fircoonaan, sidoo kale waxa aan amaanayaa haweenka iyagu caawa casho sharaftan u sameeyay ciyaaryahanadda? ayuu yidhi.

Buraale Jibriil Gaaxnuug oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marka laga yimaado haweenka qurbaha ku dhaqan, guud ahaanba ina rag aan wax taageero ah looga haynin ciyaaryahanada xulka Gobolka Hawd.

Waxaanu yidhi ?Marka hore waxa aan halkan uga mahad celinayaa haweenka iyagu casho sharaftan u sameeyay ciyaaryahanadda xulka Gobolka Hawd, waxaanan leeyahay waa abaal aad ugalaysaan Ciyaaryahanadda.

Waxa aan amaan u soo jeedinayaa haweenka qurbaha dhaqan oo iyagu gacan ka geystay sidii ay taageero u soo gaadhsiin lahaayeen ciyaaryahanadda, laakiin ragii maanaan arag? ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Tababare Aadan, tababare Cabdiraxaan iyo waliba Ciyaaryahan Axmed Shaafi kuwaas oo si aad ah uga mahad sheegtay taageereyaasha xulka Gobolka Hawd meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ka socday Hay’adda PSI oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay hay’adoodu ay taageero laxaad leh la barbar taagnayd ciyaaryahanada xulka Gobolka Hawd intii ay socdeen ciyaaraha Goboladu.

Gabogabadiina Guddoomiyaha Dhalinyarada ee Beesha Degta Gobolka Hawd iyo Hargeysa Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo), ayaa sheegay in qurbe jooga Ka soo jeeda Gobolka Hawd ay ku amaananan yihiin deeqihii kala duwanaa ee ay soo gaadhsiiyeen ciyaaryahanada Xulka Gobolka Hawd.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Qurbe joogu aanay marnaba ka hakranin wixii ay hayeen ciyaaryahanada xulka Gobolka Hawd isla markaana la og yahay kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen.

“Waxa aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in ay qurbe jooga Ka soo jeeda gobolka Hawd ay ku amaanan yihiin doorkii fiicnaa ee ay ka qaateen taageeradda xulka Gobolka Hawd, sidoo kale waxa aan rabaa in aan halkan fariin uga diro ninkii nagu tuhmayay in ay deeqo lacageed oo xadi badani na soo gaadheen in aanay jirin” ayuu yidhi

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in hay’adda PSI ay taageero maaliyadeed oo dhan 3500 oo dollar ugu deeqday ciyaaryahanadda Xulka Gobolka Hawd ‘Hay?adda PSI oo ka hawl gasha Somaliland, waxa ay ugu deeqday ciyaaryahanada Xulka Gobolka Hawd aduun lacageed oo dhan 3500, waxaanay ku timi wajigayaga iyo waliba ka ciyaaryahanadda xulka Gobolka Hawd oo muujiyay dedaal iyo firfircoonaan? ayuu yidhi.

“waxa aan doonayaa in aan halkan ka sheego in ka guddi ahaan aanu garanay in aanu abaal marino in kasta oo ay ciyaaryahanadu wanaagsanaayeen, saddexdii ciyaaryahan ee ay wasaaradda ciyaaruhu maamuustay, lacagtaasina maaha mid meel kale nooga timid, laakiin waa mid jeebkayaga ah” ayuu yidhi.

Gabogabadiina waxa halkaasi shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyay ciyaaryahanadda iyo dadkii doorka fiican ka qaatay intii ay socdeen ciyaaruhu taageeradda xulka Gobolka Hawd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com