Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Idaacad Khaas u ah Quraanka kariimka Iyo Axaadiista

Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Idaacad Khaas u ah Quraanka kariimka Iyo Axaadiista

Hargeysa,maantasomaliland)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daaahir (Cukuse), ayaa shaaciyay in lagu soo kordhiyay Idaacada Radio Hargeysa Idaacad cusub oo ku lamaan, taasoo baahin doonta Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Nabiga NNKH.

Wasiirka oo maanta ka hadlayay xaflada furitaanka Barnaamijka Kasmaal oo Bisha Ramadaan ka baxa Telefishanka Qarank ayaa sheegay in ay ku soo kordhiyeen idaacada Radio Hargeysa Idaacad FM ah oo baahinaysa Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga nabad-gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Wasiirku waxa uu ugu bushaareeyay ummada muslimiinta gaar ahaan bulsho-weynta Somaliland ee sooman bisha Ramadaan ee bakaraysan inay u soo kordhiyeen Idaacada Quraanka Kariimka ah oo ku lamaan Idaacada Radio Hargeysa . “Idaacadaasi waanu fureynaa Idaacada Quraanka Kariimka Radio Hargeysa codka Jamhuuriyada Somaliland, dawladaa leh Idaacadaasi waana qayb ka mid ah Radio Hargeysa sidaas ayaan ugu bushaareynayaa ummada muslimiinta ah ee sooman bisha Ramadaan ee bakaraysan.” ayuu yidhi Wasiirka Warfafinta, Wacyigalinat iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daaahir (Cukuse).

Idaacadan ayaa dhagaystayaasha Radio Hargeysa kaga faa’iidaysan doonaan culuunta diinta, iyada oo hirgalinteedu ku soo beegantay bisha barakaysan ee ramadaan. Isla markaana hirgalinteedu tahay idaacadan nooceeda mid ku cusub dalka Somaliland.

isusuwaha gobalka hawd ee wasaarada warfaafuinta
axmed maxamed cawaale
haragaysa
maanta somaaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com