Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha Waaxda Farsamada ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Eng. Axmed Saleebaan Maxamed ayaa shalay dalka kusoo dhaweeyay khubaro iyo Injineero ka socda dalka Thailand.

Berbera, (msl)- Agaasimaha Waaxda Farsamada ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Eng. Axmed Saleebaan Maxamed ayaa shalay dalka kusoo dhaweeyay khubaro iyo Injineero ka socda dalka Thailand.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in Khubaradan oo ka socda shirkada satelayt-yada ee Taicom ay dalka u yimaadeen sidii ay u rakibi lahaayeen qalab cusub oo loogu tallo-galay Telefishanka Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa, qalabkaas oo uu sheegay Agaasimuhu inay ku baxday lacag gaadhay boqol kun oo doolar, waxaanu Agaasimuhu tilmaamay in qalabkaasi uu isku xidhi doono istuudyaasha Teleshanka ee magaalooyinka Hargeysa iyo London iyo sidoo kale ay Idaacada Raadyaw Hargeysa ay noqon doonto mid ku jira Satelaytka oo ay dadka ku nool Aasiya, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay si toos ah uga dhegaysan karaan shaashada.

Eng. Axmed Saleebaan oo khubaradan kusoo dhaweeyay madaarka magaalada Berbera waxa hadaladiisii ka mid ahaa. “Injineeradan oo ka yimi dalka Thailand waxay samayn doonaan satelaytkeena cusub, si loo horumariyo Telefishanka Qaranka, sidoo kale Idaacada Raadyaw Haregysa oo laga dhegaysto mandaqada Geeska Afrika, waxaanu ku sii darnay haddaanu nahay maamulkii Wasaaradda Warfaafinta inaanu ku xidhno Idaacada Raadyaw Hargeysa Satelaytka, taasoo dadka ku nool wadamada Aasiya, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika u suuro gelinaysa inay si toos ah u dhegaystaan Idaacada.”

Madaxa weftiga ka socda shirkada Taicom ayaa isaguna sheegay ku faraxsan yihiin imaatinka dalka Somaliland, isla markaana ay maalmaha soo socda rakibi doonaan qalabka loogu talogalay Telefishanka Qaranka iyo Idaacada Raadyaw Hargeysa.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com