Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wada hadalladda Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Ku furmay Jawi Adag iyo Qodobada Laga Doodayo

Hargeysa(MSL)Shirkii afraad ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga. Waxaanay ergadda qaran ee Somaliland miiska soo dhigeen in ajandaha lagu darro qodobo xudun xidhka u ah sii socoshada wada hadalkan oo ay ka mid yihiin in Soomaaliya ay aqoonsato inay Somaliland ahayd wadan madax-banaanaalana soo noqday xornimadiisii iyo in qadiyadda Somaliland tahay lama taabtaan aan gor-gortan geli Karin.

Ergada Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa kale oo qodobada kale ee ay soo bandhigeen in Somaliland ay maamulka hawadeeda aanay cid u dabo-fadhiisanaynin.

Waxa kale oo Qodobadda Somaliland la gole timid ka mid ah in masuuliyiintii xad-gudubyadda iyo gabood-faladda ka geystay Somaliland la maxkamadeeyo isla markaana laga wada hadlo sidii Mag-dhow looga bixin lahaa xuquuqii baahsanaa ee Taliskii Siyaad barre ka geystay gayiga Somaliland Sideetameeyaddii.

Geesta kalena waxa Ergada ka socota dalka Soomaaliya oo uu Hoggaaminay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdikarim Xuseen Guuleed, ay dhinacooda la shir yimaadeen in la dhawro wax ay ugu yeedheen “Midnimadda Dalkii Soomaaliya” iyo inay Somaliland furto isku socodka Somaliland iyo Soomaaliya heer kasta oo uu yahay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland ay Gole-geysay qodobo badan oo taabanaya xaqa iyo masiirkeeda, waxaanu rajeeyay in wada hadaladan noqon doonaan qaar Somaliland Masaalixdeeda caamka ah ugu gudbiso beesha caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa isaguna dhinaciisa ku dooday inay Somaliland u samaynayaan tanaasul kasta oo aan ka ahayn wax uu ugu yeedhay midnimadda Soomaaliya.

Maantasomaliland.com
Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com