Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War-murtiyeed Ay Soo Wada Saareen Murashixiinta Xisbiga UCID Oo Ku Wajahan Wada-hadalada Somaliland & Somaliya

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

1. Marka hore waxaanu soo dhowaynaynaa wada hadallo kasta oo dhex mara Somaliland & Somalia sida ay bulshada caalamkuba u dhiirrigelinayaan, haseyeeshe waxaanu soo jeedinaynaa wadahadalku inuu noqdo mid midho dhala, ee aanu noqon mid sii soco oo soo soco ah.

2. Xisbiga UCID wuxu aaminsanahay in taasi ku suurto gali karto in marka hore la caddeeyo Agendaha shirka iyo qodobada laga wada hadlayo. Marka la isku raaco qodobada laga wada hadlayo ayaa la gaadhi karaa meel looga sii socon karo, wada hadalka iyadoo laga wadda dheregsan yahay arrimaha shirka lala tegaayo ee la isugu imanayo.

3. Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, talo way u baahan tahay iyo in ay axsaabta qaranka ka qayb geliso talooyinka qaran sida tan wadahadalka oo kale ah, haseyeeshee waxay xaq u leedahay xulashada ergada wadahadalka, iyadoo marwalba laga duulayo in masiirka shacabka Somaliland ee gooni isu taaggu yahay mid aan gor-gortan geli Karin. Xisbiga UCIDna waxa ay ummaddu u igmatay inay ku ilaaliyaan xisbiga talladda haya markasta oo ay u arkaan in laga leexanayo wadaddii ka midho dhalinta hanka shacabka Somaliland. Markasta oo aanu aragno in dariiqii laga leexanayana waa mid naga go’an in aanu shacabka la wadaagno.

4. Xisbiga UCID wuxuu aaminsanahay in ergooyinka wada hadalka ka qayb galayaa ay ahaadaan kuwo la mida ama leh miisaankii iyo saamigii ergadii calanka ka soo qaadaysey Ingiriis wakhtigii xoriyadda ee 1960kii, saami ku suntan ergo isleeg tiro ahaan beesha dhexe iyo beelaha darifyada; waxaanan xukuumadda Kulmiye u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan is indho-tirka dhowraana wadajirka, calool fayoobida iyo wax wada lahaanshaha shacabka S/land.

5. Siyaasadda Xisbiga UCID waa mid ku qotonta in aan walaalaheena Somalia ee aynu kala baxnay 1991 kii ahaano walaalo derisa, isla markaana kula noolaano is jacayl la mid ah ka aynu u hayno walaalaheena Dawlada Deegaanka Somaalida Ethiopia ama walaalaheena Soomaaliyeed ee Dawlada Djibouti ama walaalaheena ku jira Dawladda Kenya.

6. Ugu Dambayn, waxaan soo jeedinaynaa in ay madaxda qaranka iyo kuwa xisbiyaduba dhowraan anshaxa masuuliyadda kana waantoobaan hadalada aan habboonayn ee saxaafada la isu marinayo.

ILaahaybaa mahadleh, Somaliland Guul.

Jamaal Cali Xuseen C/Rashid Xasan Mataan
Musharaxa M/Weyne Ee UCID Musharaxa M/W/Xigeenka UCID

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com