Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xubin ka ahaa ergaddii Somaliland u matalaysay wada hadaladii Somaliland Turkiga kula yeelatay Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inay ku guulaystay inay soo dhacsadaan maamulka hawadda ee muranka la geliyay.

“Waxaan Ku Faraxsan Nahay In Maamulka Hawadeena Aan Dib u soo Ceshano”

(maantaHARGEYSA Somaliland)- Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xubin ka ahaa ergaddii Somaliland u matalaysay wada hadaladii Somaliland Turkiga kula yeelatay Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inay ku guulaystay inay soo dhacsadaan maamulka hawadda ee muranka la geliyay.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay mareegtiisa guusha.com.

Wasiirka oo ka hadlayay aragtidiisa wajigii afraad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Waxaan ku sugan nahay Istanbuul, wada hadalka wajjigisii afraad hada ayuu soo dhamaaday, qodobadii Miiska la soo saaray intooda badan waxay noqdeen kuwo la isku maan dhaafay, heshiis buuxana laga gaadhi waayey, sidii horay balanteenu u ahayd marnaba dusha maynaan soo saaran wax dalkeena lidi iyo dhabar jab ku ah.”

Wasiirku waxa uu ku dooday inaanay dalkooda Somaliland u soo qaadan wax bahdil ku ah qaranimadda Somaliland, waxaanu ytidhi ” Taas badalkeeda waxaa inoo soo biiray in Maamulka hawadeena oo aan awalba xaq u lahayn balse maalmihii la soo dhaafay muran la gashay aan gacanteena ku soo ceshano, waxaan caalamka hortooda ka cadaynay in Hawadu ka mid tahay xuduudaha Somaliland, sida ay u maamusha dhulkeeda iyo Badeedana ay sidoo kale u maamusho Hawadeeda.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu mareegtiisa Internet-ka ee guusha,com ku daabacay sadexdii qodob ee lagu heshiiyay oo u dhignaa sidan:-

“1- Waxa lagu heshiyey in Maamulka UN-ka Hawadda loo Sameeyo maamul wada jir ah Xaruntiisa-na laga dhigo Hargeysa. 2- In Wada Hadalku Sii Socdo. 3- Kulan dambe oo la iskugu iman doono 120 Cisho ka dib Dalka Turkiga .”

husein harbi
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com