Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Culimada Somaliland ayaa maanta ku Bogaadiyay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Furitaanka Idaacadda Quraanka Kariimka ah ee lagu soo kordhiyey oo uu Madaxweynahu dhamaadkii Todobaadkii hore uu xadhiga ka jaray.

Culimmadda Somaliland Oo U Riyaaqay Idaacadda Quraanka ee xukuumaddu furtay

HARGEYSA (msl)- Culimada Somaliland ayaa maanta ku Bogaadiyay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Furitaanka Idaacadda Quraanka Kariimka ah ee lagu soo kordhiyey oo uu Madaxweynahu dhamaadkii Todobaadkii hore uu xadhiga ka jaray.

Baaqan hambalyada ah ay culimadu ka soo saareen Magaalada Caasimadda ah ee hargaysa oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaaladda wararka Somaliand ee Solna ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Annagoo ku hadlayna magaca Culimada Somaliland waxaanu halkan bogaadin iyo taageero baladhan uga diraynaa Mdaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Golihiisa Xukuumadda gaar ahaan wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh Khaliil cabdilaahi Axmed iyo wasiirka wasaradda warfaafinta Md cabdilaahi maxamed daahir (Cukuse) anagoo ku hambalyaynaya furitaanka Idaacadda quraanka Kariimka ah taasoo aanu u aragno horumar iyo wanaag u soo kordhay umadda Somaliland ee 100% muslinka ah.

Dhanka kalena Culimada Somaliland waxay madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kaleba ugu duceeyeen in ilaahay ka abaal mariyo wanaagga ay ka shaqeeyeen.

Culimada baaqan ku saxiixnaa oo tiradoodu kor u dhaaftay sodomeeyo ka mid ah culimada waaweyn ee dalkaayaa waxaa ka mid ahaa:
1. Sh mxamed Sh Cumar Dirir
2. Sh Cabdilaahi Sh Cali Jawhar
3. Sh xasan Cabdisalaan Cali
4. Sh Cabdilaahi Cabdi Cali
5. Sh Yuusuf Aadan Maxamuud

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com