Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dalkan JSL Md cali maxamed warancadde ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera.

Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Jawaab ka bixiyay Hanjabaad ka soo yeedhay Ciidammadda Soomaaliya

July 13th, 2013 Comments Off

HARGEYSA (mSl)-cali waran cade
Wasiirka oo socdaalkiisa uu ku weheliyo wasiirkuxigeenka arimaha ammaanka ee wasaaradaasi Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa kormeerkiisu waxa uu saameeyey qaar ka tirsan xarumaha hay’adaha dawladda ee Gobolkaasi ku yaalla sida Dekedda Berbera, saldhigyada Ciidamada Booliska iyo saldhiga Ciidanka ilaalada xeebaha ee magaalo xeebeedkaasi.

Md warancadde waxa intii uu ku gudo jiray indho-indhayntisa uu warbixino kaga dhegaystay taliyayaasha ciidamada iyo mas’uuliyiinta kale ee ku sugnaa xarumaha uu booqday iyagoo u so gudbiyey halka ay marayaan hawlaha qaran ee ay u xilsaaran yihiin iyo baahiyaha ka jira ha’yadahaasi.

Mudane Warancade waxa uu Jawaab ka Bixiyay hanjabaado ka soo yeeedhay Ciidamada Somalia oo ku wajahan inay Calankooda ka taagi doonaan Somaliland taas oo uu u soo Jeediyay Ciidamada kala duwan ee Somaliland inay heegan buuxa uga jiraan Cid kasta oo ka hortimaada Masiirka Qarankan.

Wasiirka oo sidoo kale u kuurgalay mashaariicda ay Dawladda hoose ka waddo magaalada Berbera iyo Cisbitaalka dhexe ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka inay sii labanlabaan feejignaantooda iyo adkaynta ammaanka bulshada
wariye fatumo qayre

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com