Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Waxaan Tallo Iyo Tilmaan Ku Bixinaya Inay Xukuumadu Fuliso Balamihii Ay Galeen Wakhtigii Doorashada” Adan Axmed Cilmi Dhoolayare

Wasiirkii hore ee Cadaaladda Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa xukuumadda ugu baaqay inay ka faa’iidayso khayraadka dalka, isla markaana shaqooyin abuurto.Wasiirkii Hore ee Cadaalladda Md. Aadan Dhoolayare waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Waxaan salaan iyo bogaadin idiinku soo marinaya hawada neecawda barakaysan ee bisha ramadaanta.

Dawladaha caalamka qaarkood ee maanta ku talaabsaday horumarka la taaban karo waxay ku gaadheen muddo gaaban ,haddii la helo qorshe iyo hogaan suuban oo lagu kala dambeeyo laguna ixtiraamo lana toosiyo kolba ciddii hogaanka inoo haysa . Waa xaqiiq in dimuqraadiyadu ay tahay tartan loogu beretamo horumarka, dadweynahana lagu ololeeyo in laga sii badiyo kolba cidda talada haysa oo mucaaradku ugu baaqo haddi ay doortaan inay iyagu ka fiicnaan doonaan kuwa xukunka haya .

Waa xaqiiq inuu mucaaradku sheego oo toosiyo khaladaadka ay samayso xukuumadu.Xukuumaduna waxaa waajib ku ah inay ka faaiidaysato tilmaamaha ay bixiyaan mucaaradku si ay u sii kasbadaan kalsoonida shacabka.

Waxaan tallo iyo tilmaan ku bixinaya inay xukuumadu fuliso balamihii ay galeen wakhtigii doorashada inkasto lagu xisaabtami karo awoodeena dhaqaale,haseyeeshe waxaa loo baahan yahay dedaal iyo karti ay muujiso xukuumadu.

Haddii aan tusaale soo qaato xukuumadu waxay samaysay dhawaan guddi ku hawlan shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada ,taas markay tahay looma baahna in inta wax lagu dhawaaqo halkii lagu dhaafo , laakiin laga midho dhaliyo. Sidee shaqo abuuris loogu samaynaya dhalinyarda ,waa in lala tashada ganacsatada ,la dhiiri geliya maalgashi loo fudaydiyo sidii dalka looga abuuri laha ganacsi abuura shaqooyin kala duwan.

Waa inay xukuumadu dib u soo celiso hirgelinta warshada sibidhka oo deg deg loo sameeyo ,waa inay xukuumadu ku qanciso ganacsatda in aynu yeelan karno laba iyo sadex warshadood oo soo saara sibidhka waayo waxaa jira baahida loo qabo sibidh debed iyo gudaba . Waa inay xukuumadu ka shaqaysa sidii ay wadanka u keeni lahayd korontada Itoobiya si loo helo wax soo saar iyo horumar.

Waa inay xukuumadu u fudaydiso ganacsatda sidii ay fulin lahaayeen hawlahaas kana shaqaysa sidii ay u midoobi lahaayeen una fulin lahaayeen mashaariico waaweyn oo laga heli karo shaqooyin. Waa inay xukuumadu dhiirigeliso khayraadka badda looga faa’iidaysan lahaa , ee sideetanka milyan ee Itoobiyaanka uga iibin lahayn ,ganacsatadana lagu dhiiri geliyo inay bartaan faaiidada khayraadka badda iyo milixda.

Waa in la joojiyo dadka sida gooni goonida ah uga ganacsada macdanta dalka ee leh ajaanibka iyo muwaadiniinta una gurta sida sharci darada ah. Taas iyo afkaaro fara badan oo xambaarsan sidii loogu samayn laha shaqooyin bulshada in la soo jeediyo islamarkaana ay xukuumadu dardar geliso wacyigelin bulshada wax loogu sheego.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com