Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda Horyaalka ah Ee TELESOM Oo Lagu Majeertay Hirgelinta Adeegga ZAAD

Warbixin uu diyaariyay ururka GSMA, oo ah urur ay ku bahoobeen shirkadaha ka shaqeeya shabakadda isku xidhka mobiladda ayaa si qoto dheer uga hadlay hirgelintii, hababka uu ku guulaystay iyo isticmaalka adeeg ZAAd ee shirkadda Telesom.War bixintan waxa lagu sheegay in Isgaadhsiintu ay ka mid tahay is bedelka, casriyeynta iyo tartanka badan ee ganacisga Somaliland ka jira. Waxa Somaliland ka jira afar shirkadood oo ka ganacsada mobilka, halka Soomaliya inteed kale ay yihiin todoba shirkadood. Fiditaanka suuqa mobilka waxa uu ka hooseyaa 45%, taasina waxa ay keentay in shirkadaha bixiya adeega mobilka ee loo yaqaan (MNOs), ay adeegaasi ku bixiyaan qiime aad u jaban marka loo eego caalamka. Sidaasi daraadeed, ganacsiga isgaadhsiintu waxa uu noqoday mid si aad ah loo maalgashado gobolkan, si loo casriyeeyo isgaadhsiinta. Waxaana wakhtiyadan ugu danbeeyey shirkaddahani ay daah-fureen adeegga loo yaqaan 3G.

Telesom waa hogaamiyaha shirkadaha isgaadhsiinta, waxaana ay u adeegtaa macaamiil u dhiganta 85% saamiga suuqa isgaadhsiinta Somaliland. Shirkadda Telesom oo la aasaasay 1999 waa shirkad si gaar ah loo leeyahay, oo ay maalgashadeen muwadiniin lagu qiyaasay in ka badan 1500 oo qof, oo dhamaantood ah Somalilanders oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku nool. Agaasimaha guud ee shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid waxa uu ka mid yahay todobadii qof ee asaasay shirkada Telesom waxaanu ka shaqeyanaayay Telesom 12-kii sanno ee la soo dhaafay.

Haddaba Somaliland ma jirto nidaam baanan oo shaqeynaaya, kaasi oo ay dunidu aqoonsan tahay. Sidaasi darteed Cabdikariim iyo maamulkiisa Shirkadda Telesom waxa ay aqoonsadeen sameynta togan ee dhaqaalaha dalka ku leeyahay nidaam baanan la’aanta dalka ka jira, waxaanay shirkadu ka hawlgaleen iyagoo adeegsanaya aragtida dheer ee shirkadda sidii loo buuxin lahaa fursadaa banana, waxaanay shirkadda Telesom soo kordhisay adeeg cusub oo lamagac baxay ZAAD. Shirkadda Telesom waxay go’aansatay in ay ka faa’ideysato nidaamka isku Isgaadhsiineed ee ay hadda isticmaasho, taasina waxa ay meesha ka saartay in ay u baahato shirkado kale oo ka caawiya adeegan cusub ee ZAAD. Bishii June 2009, waxay shirkadda Telesom soo bandhigtay adeeg cusub ee ZAAD-ka oo noqonaaya kii ugu horeyay ee wadanka (Somaliland) moobayka adeega maaliyadeed loo isticmaalo. Wakhtigaa intii ka dambeysay adeegan waxa uu noqoday mid hanaqaaday. Bishii June 2012, in ku dhow 40% macaamiisha isticmaasha adeega GSM-ka waxay isticmaalaan ama isku diwaangeliyeen isticmaalka adeega ZAAD. Waxaase iswaydiintu tahay waa maxay soo jiidashadda la xidhiidha heerka isticmaalka ee adeegan maaliyadeed?

Waxa kale oo ay cilmi baadhistani intaa ku dartay in Telesom ay doorbiday in ay isticmaashay adeega mobilka maaliyadda iyadoo ilaalinaysa ama dhawreysa habsami u socodka lacageed. Haddaba, si ay hawshaasi u qabtaan waxay xoog saareen horumatinta nidaam xoogan oo la xidhiidha adeegan, kaasi oo leh habab aqooneed oo la xadhiidha addeegan. Sidoo kale Telesom waxay cashar ka baratay, khibaradii iyo hababkii ay ku guuleysteen shirkaddaha ka shaqeeya adeega maaliyadeed ee wadamadda jaarka ah, waxaanay ku dabaqeen casharaddan habka dhaqan dhaqaale ee Somaliland, taasi oo u sahashay in adeegani guulaysto. Macaamiisha adeega ZAAD ee Telesom waxa ay isticmaalaan celcelis ahaan 30 jeer bishii, tani waxa ay tilmaamaysaa in 8.5 goor ay Somaliland ka sareyso celceliska caalamka. Adeega ZAAD ee Telesom waxa uu ka mid yahay GSMA ee adeega maaliyadeed ee mobilka, waxaana loo aqoonsaday ka ugu wanaagasan adeega maaliyadeed ee caalamka.

Dhanka kale, Cilmi baadhistan ay samaysay hay’ada shaqaalaha aduunka(ILO) xafiiskeeda Somaliland April 2013, ayaa Lagu xusay dhamaan nidaamyadii maaliyadeed ee ka jira dalka, Kadib markii khubaradii ay soo bandhigeen cilmi baadhista ayaa waxaa 96% dadkii wax la waydiiyay waxay sheegeen in adeega ZAAD services ay isticmaalaan isla markaasna uu yahay adeega maaliyadeed ee ugu muhiimsan. Taas oo adeeg ZAAD ka dhigaysa adeega maaliyadeed ee ugu balaadhan ee laga isticmaalo Somaliland. Dadka wax la waydiiyay ee warbixinta laga diyaariyay oo isku jiray rag iyo dumarba ayaa xusay muhiimada uu leeyahay adeega ZAAD. Sidoo kale waxaa xusid mudan in dadkan la waraystay ay xuseen in adeega ZAAD ay u isticmaalaan dhamaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ay sameeyaan oo dhan sida lacag dhigasho lacag la bixid iyo lacag ku diris ba.

Waxaa sanadkii 2012-kii adeeg ZAAD uu ururka caalamiga ee ay ku bahoobeen shirkadaha isgaadhsiintu ee GSMA uu u aqoonsaday in shirkda Telesom ay ka mid tahay 5 shirkadood ee ugu horeeya adunka Mobile money transfer (MMT). Dhanka kale warbixintu waxay xustay in Database-ka maaliyadeed ee baanka aduunka ee loo yaqaan (Findex), ayaa dhawaan tilmaamay in Soomaliya ay tahay wadanka ugu horeeya ee adeega suuqa maaliyadeed ee mobilka, baanku aduunku waxa uu xusay in 26% dadku ay sheegeen in ay u isticmalaan adeega maaliyadeed ee mobilka ku bixinta bilasha, kaasi oo ah heerka ugu sareeya marka loo eego caalamka, dhanka kale 32% waxa ay xuseen in ay u adeegsadaan ku dirista iyo helida lacagta. Hadaba waxa xusid mudan in adeegan maaliyadeed ee mobilka ay hogaaminayso shirkadda casriga ah ee Telesom.

Guntiii iyo gebogabadii war-bixinahani waxa ay tilmaamayaan guul balaadhan oo u soo hooyatay Somaliland iyo shirkadda TELESOM-ba, waxaanay arrintani tilmaamaysaa xawliga ay shirkadda isgaadhsiinta TELESOM ku socoto marka la barbardhigo shirkaddaha dhigeeda ah ee ka jirra caalamka, iyo sida ay shirkaddu ay marwalba iskaga xilsaarto buuxinta baahiyaha dadweynaha reer Somaliland, iyadoo marwalaba ku hawlan hirgelinta adeegyo casri ah u soo kordhisa macaamiisheintee kaleba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com