Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada ee JSL Md Xirsi Cali Xaaji xasan oo uu wehelinayey wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelunta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta xadhiga ka jaray Shantii KM ee ugu horaysay ee waddo laami ah oo dhismaheedu socdo, taasoo isku xidhaysa degmooyinka kala-baydh iyoWajaale.

Hargeysa (msl)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada ee JSL Md Xirsi Cali Xaaji xasan oo uu wehelinayey wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelunta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta xadhiga ka jaray Shantii KM ee ugu horaysay ee waddo laami ah oo dhismaheedu socdo, taasoo isku xidhaysa degmooyinka kala-baydh iyoWajaale.

Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlayey munaasabad kooban oo loo qabtay furitaanka laamidaasi ayaa sheegay in dhismaha wadadani uu yahay mid ay xukuumaddu maalgelintiisa leedahay, waxana uu xusay in ganacsadaha jaamac Oomaar uu ku darsaday 100 Foosto oo Daamur ah, dhismaha wadadaasina uu qayb ka yahay ballanqaadkii Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) oo lahaa dhagax dhiggii wadadani.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu caddeeyey in xukuumaddu ballanqaadayso dhamaystirka wadadan oo dhererkeedu gaadhayo 18 KM ka hor inta aan sanadkani dhamaan, waxana wasiirku ugu baaqay dadweynaha Deegaankaasi inay ka soo baxaan ka qayb qaadashada dhismaha lix KM oo wadada ka tirsan oo loo qoondeeyey inay dadweynuhu ku qaybaan, xukuumaduna ay hadda bilaabi doonto shan Km oo kale.

Dhanka kalena Wasiirka wasaaradda madaxtooyadu waxa uu sheegay in xubno siyaasadda ku fashilmay oo dhowaan ku dhawaaqay gole sharcidarro ahi ay su’aalo ka keeneen sababaha hay’addii waddooyinka loo hoos keenay Madaxtooyada, waxana wasiirku caddeeyey in madaxweynaha loo doortay fulinta siyaasadda dawladda ee ku dhisan horumarinta mashaariicda dawlada, intii hay’adaas la hoos keenay madaxtooyadana ay u suuro gashay inay laami cusub dhisto iyadoo markii hore shaqoyinkeedu ku koobnaayeen dib u habayn iyo kabkab lagu samayn jiray waddooyinka.

Wasiirka Madaxtooyada oo hadalkiisa sii watay waxa uu sheegay in xukuumadu ka qayb qaadanayso mashaariicda dhisme ee lagu hayo waddooyinka dalka ka socda sida wadada isku xidha Hargaysa iyo Oodwyne, sallaxley iyo Caasimadda, wadada Dowga cad, wadada kale ee isku xidha Dila iyo Boorame iyo wadadan maanta shanteedii KM ee ugu horeeyey xadhiga laga jaray, isla markaana la dardargelinayo mashaariicdaasi iyadoo hay’adda waddooyinku ay dalka Shiinaha ka soo qaadi doonaan qalabkii lagu dhisi lahaa waddooyinkaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay in shaqsiyaad weligoodba taladoodu ahayd inay wax qasaan ay aflagaado iyo xumaan suuqyada la soo taagan yihiin, kuwaasna waxa aanu leenahay ayuu yidhi wasiirku war dalku waxqabad buu doonayaa, idinku muuqda oo waxaad qabateen ha la arko.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ku tilmaamay golaha dhowaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargaysa mid sharcidarro ah isla markaana cid kasta oo sharciga dhinac marta tallaabo dastuuri ah laga qaadi doono, isagoo sidoo kale wasiirku ugu baaqay Gudoomiyaha Xisbiga UCID inuu dib ugu soo noqdo xisbigiisii oo aanu cidla u ambabixin, halka sidoo kalena uu dardaaran ugu jeediyey ibraahin Dhegoweyne inuu ka gudbo hurinta rabshadaha una soo jeesto ka qayb qaadashadaha horumarinta dalka.

maantasomaliland
hargaysa
xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com