Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiyada UCID Iyo WADDANI Oo La Sheegay In 48 Saac Gudahood Ay Kala Saxeexanayaan Heshiish Ka Nixin Doona Xukuumadda.

Xisbiyada UCID Iyo WADDANI Oo La Sheegay In 48 Saac Gudahood Ay Kala Saxeexanayaan Heshiish Ka Nixin Doona Xukuumadda.

Hargeysa(msl) July23, 2012 – Labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa la filayaa inay 48ka saacadood ee soo socda gudahooda ay ku kala saxeexdaan heshiis ku salaysan iskaashi mucaaridnimo iyo in meel looga soo wada jeesto danta iyo maslaxada guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in labada guddoomiye ee xisbiyada UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay si rasmi ah u kala saxeexan doonaan heshiis mucaaridnimo ku dhisan oo la filayo inuu si xooggan uga nixiyo xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Labada xisbi mucaarad waxay wadahadalka iyo diyaarinta heshiishkooda cusub ee mucaaradnimo u saareen guddi farsamo oo ka kooban lix xubnood oo saddexba dhinac ka socdaan, kuwaasoo la sheegay inay hadda dhammaystireen qodobadda heshiiska rasmiga ah ee UCID iyo WADDANI qallinka ku duugi doonaan 48 saac gudahood (Salaasada maanta amma Arbacada berri), kadib markii wadahadallo si hoose u socday lagu heshiisiiyey labada hoggaamiye xisbi oo muddo dheer fiintu kala dhex miranaysay, kuwaas oo la caddeeyey inay xal buuxa ka gaadheen xurguftii siyaasadeed ee dhexdooda taallay.
Xubin ka tirsan guddida lixda ah ee labada xisbi u saareen dhammaysirka heshiiskooda, ayaa sheegtay in heshiisku dhici doono Salaasada maanta amma Arbacada berri, iyadoo labada dhinac ku heshiiyey sidii ay isku kaashan lahaayeen, iyadoo lagu shaqaynayo doorkii mucaaridnimo, danta qarankana meel looga soo wada jeedsan lahaa, WADDANI iyo UCID-na qayb uga qaadan lahaayeen dhismaha iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Heshiiska sida qorshuhu yahay ay kala saxeexanayaan labada xisbi ee WADDANI iyo UCID oo xafiiltan siyaasadeed hore u dhex yaallay, ayaa u muuqda mid xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE il-gaar ah ku eegayaan, kaasoo haddii uu si rasmi ah u hirgalo furi doona dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxa iyaga axsaabta mucaaradnimada isugu bahaystay.

xigasho jamhuuriya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com