Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaaradda ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland ayaa maanta soo saartay sharci kala xadaynaya ganacsiga.

HARGEYSA (msl)-Wasaaradda ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland ayaa maanta soo saartay sharci kala xadaynaya ganacsiga.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga Md. Bashiir Cabdi Xariir ayaa warbaahinta dalka u soo bandhigay qorshaha ay wasaaraddu u kala xadaysay ganacsiga guud iyo talaabooyinka laga qaadayo cid kasta oo ku xadgudubta sharcigaasi.
Sharciga kala xadaynta ayaa ka koobnaan doona qodobadan:-

1.In dhaqangelin lagu sameeyo sharciga kala xadaynta ganacsiga kaas oo u qaybinaya ganacsatada afar qaybood oo kala ah:
Soo dejiye, Dhoofiye, Jumladle iyo Tafaariiqle

2.Wasaaradda ganacsigu waxa ay samayn doontaa xadka lagu kala saarayo jumladlaha iyo tafaariiqlaha
3. Wasaaradda ganacsigu waxay samayn doontaa xog ururin la xidhiidha dhibaatooyinka ka dhasha kala xadayn la’aanta ganacsiga isla markaana ay u soo bandhigto shacabka iyo dawladaba.

4. In ganacsatada la siiyo muddo ku filan inay qaataan liisamada ku habboon ganacsigooda, mudadaas ka dibna aan la aqbali doonin ganacsade bilaa liisan ah, iyadoo ganacsade waliba uu liisanka ka qaadan karo gobolka uu joogo.

5. Sharcigani waxa uu dhigayaa in ganacsadaha qaata liisanka soo dejintu aanu iibin Karin jumladda, ganacsadaha kale ee qaata liisanka jumladuna aanu iibin Karin tafaariiqda.

6. Wasaaraddu waxay kormeer joogto ah ku samayn doontaa dhaqdhaqaaqa ganacsatada si loo hubiyo habsami u socodka kala xadaynta ganacsiga.

7. Ganacsadaha ka baxa waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharci ah sida digniin la siin doono, ganaax lacageed iyo in lagala noqdo liisanka ganacsi.

Geesta kalena wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md Bashiir cabdi Xariir waxa uu ugu baaqay ganacsatada Somaliland inay maciishada iyo alaabta kale ee u dharku ka mid yahay qiimahooda u jebiyaan bulshada oo xiligan ku dhex jirta gudashada waajibaadka bisha ramadaan iyo u diyaargarowga ciidul-Fidriga.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com