Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Masuuliyiinta Wargayskii Ay Xukuumaddu Xayirtay Ee Hubaal Oo Sheegay In Khasaare La Soo Gaadhsiiyey Dhismihii Xaruntooda Kuna Xusaya Sanadd Guuradoodii Koowaad Xayiraad

Masuuliyiinta Wargayskii Ay Xukuumaddu Xayirtay Ee Hubaal Oo Sheegay In Khasaare La Soo Gaadhsiiyey Dhismihii Xaruntooda Kuna Xusaya Sanadd Guuradoodii Koowaad Xayiraad.

Hargeys- Xarunta Wargeyska Madaxa banaan ee HUBAAL ayaa khasaare soo gaadhay kadib markii laga war helay qaybo ka mid ah Deyrkiisa oo Dumay, iyo dilaac ku dhacay dhismaha laftiisa.

khasaarahan ayaa laga war helay Maalinnimadii Sabtidii dorraad xilli ay wargeyska Hubaal Dhibane u yahay Dakannooyin Xayiraad, xukunno iyo ganaax kale isugu jira ay xukuumadda Somaliland u geysatay, isla markaana ay tan iyo 12kii June ee sanadkan oo Xayiraad lagu soo rogay Xarunta Wargeyska ay dhex degen yihiin Ciidammo dawladda ka socdaa, kuwaas oo aan cidna u ogolayn in guda loo galo dhismaha.

Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal oo ka hadlay arrintan ayaa xaqiijiyey in khasaaraha soo gaadhay xaruntooda gaar ahaanna wajahadii dembe ee dhismaha oo ay sheegeeni n qayb weyni dunsan tahay, illaa haatanna aanay ogayn goorta uu dumay iyo sida sababta rasmi ahaan uu u dumay. Tifaftiraha wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) oo ka warramay arrintan ayaa sheegay in uu ka war helay maalinnimadii Sabtidii isla markaana uu tegey xarunta “Markii la ii sheegay subaxnimadii Sabtidii shalay (dorraad) markiiba waan tegey xarunta oo sida laga war qabo ay dhex degen yihiin Ciidamo boolis ah oo illaa xayiraadii bishii hore nalagu soo rogay jooga. mid kamid ah oo aan weydiiyey goorta dumay iyo Sababtiisana, waxa uu ii sheegay in uu goor habeennimo ah iska dumay deyrku “. Sidaa ayuu yidhi tifaftiruhu, waxaanu intaa ku daray in ka sokow deyrka dunsan ay jiraan dil-dilaacyo soo gaadhay qaybo kamid ah Dhismaha wajahadda hore ee wargeyska, “Dilaacyo kale ayaa jira oo soo gaadhay Wajahadda hore ee dhismaha iyo xaggiisa dembeba, illaa haatanna ma hayno sabab rasmi ahaan aanu ku qanacsannahay oo khasaarahan na soo gaadhay loo tix raaco, kaasoo aanaan garanayn xataa xafiisyada guduhu sida ay wax u qabaan, maadaama oo aan la ogolayn in aanu galno xafiisyadda gudaha oo agabkii wargeyska iyo qalab kale oo xataa Mobilladayadii ku jiraan ku dhex qufullan yihiin, tan iyo markii xukuumaddu naga dareerisay”.

Dhinaca kale Maareeyaha wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) ayaa Sheegey in Curashadii wargeyskooda oo Haatan laga joogo muddo sanad ah ay sanad guuraddiisa ku xusayaan Xayiraad iyo Cabudhin Dawladda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso, iyo Xadhig iyo Ganaax loo gaystay laftooda, “Cadadkii u horreeyey ee Wargeyska Hubaal waxa uu ifka u soo baxay 20-kii bishii Julay ee Sanadkii hore (2012), Haatanna waxa laga joogaa Muddo sanad ah markii aanu aasaasnay wargeyska, waxaana ay ku soo beegan tahay iyadoo la haysto Meeshayadii, oo ay xayiran tahay, iyo Xukunno xadhig iyo ganaax ah oo nalagu riday aniga (Calooley) iyo Tifaftirihiiba (Keefkeef), Waxaana Markhaati laga yahay in Xukuumaddu na hagar daamaynayso mar kasta, welibanna halkii ay sharciga ka ilaalin lahayd iyadu ku tumanaysa oo cid walba uga dhaw dahay. Annagu waxanu leenahay Ummadda Somaliland ayaa Markhaati nooga ah dakanooyinka nagu dhacay oo dhanna, Haddii maanta xukuumadda Siilaanyo saddex jirsatay oo ay damaashaadayso annaguna waxaanu ku xusaynaa sanad guuradayada Cabudhin iyo Xukun iyo xadhig” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley).

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com