Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Muj.Axmed Ibraahin (Wadne) oo ka mid ahaa mujaahidiintii Somaliland u soo halgantay ayaa Madaxweyne Siillanyo ku eedeyey in uu qaranimadii Somaliland uu aasay.

“Madaxweyne Qaranimadii Somaliland waad Aastee, halkeed ku aastay halagula ogaadee.”Mujaahid wadne.

“Madaxweyne waxaanu ku soo jeedinaynaa in aanu Magacaagu noqon mid xumaan ka marag kaca.”Azhari.

“Xukumada Siillanyo waxay diciifisay xidhiidhkii wanaagsana iyo iskaashigii aynu la lahayn sidda wadamada itoobiya iyo Koonfurta Sudan” Odowaa…

“Runtii dalkeena waxa burburiyey qabyaalad ay dhashay xukuumadan uu hogaankeeda hayo siillanyo” Bacad

aqoonyahan`Hargeysa(msl) Siyaasiyiin iyo Aqoon yahano Reer Somaliland ah ayaa Maanta Taagero weyn u muujiyey Golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka ee dhawaan lagaga dhaawaqay Somaliland, Xubnaha ayaa Shirka jaara’id ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxay kaga hadleen xaalada Siyaasaded ee wadanku marayo, iyaga oo madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu ka jawaabo 16qodob oo hore ay ugu gudbiyeen Golaha wadatashigu, siyaasiyiintan iyo Aqoonyahanada shirka qabtay ayaa waxa ka mid ahaa Axmed Sandoon, Xassan Jaamac Bacad, Maxmed odowaa Cigaal, Prof.Axmed Xaaji Cabdilaahi Azhari, Maxmed Yoonis Cubeed, Cabdikarin Baande, Mujaahid Axmed Ibraahin (Wadne).

Axmed Sandoon Xassan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si weyn u taageersan yihiin gollaha wadatashiga iyo toosinta qaranka. Waxaanu yidhi. “Haddii aanu nahay Aqoonyahankii dalka oo is helay, kuna qanacnay in dalku marayo marxalad adag, haddii ay tahay dhinaca siyaasada, dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca bulshadaba, isla markaana qawad badan ka muujinay hay’adihii wax ka qaban lahaa oo dhinaca xukumada ah ama kuwii ka hadli lahaa arrintan ee xilka dastuuriga ahi ka saarnaa oo dalkii Baabi’iyey, waxaanu kulankan ku muujinaynaa taageero buuxdana la barbartaaganahay Golaha toosinta iyo wadatashiga ee 16 qodob u soo jeediyee xukumada, taageeradayadani waxay ka dhalatay markii aanu aragnay in cidii loo nasteexeynayey ee ahayd in ay ku qanacdo qodobadii loo soo badhigay ay meel kale u booday oo dadkii u nasteexaynayey cambaareyso gaar ahaa Golaha wadatashiga.”Ayuu yidhi.Sandoon.

Xasan Jamac Bacad oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay dhibaato ku hayso qabyaalada, Qaadka iyo Hantida umada ee la guranyo, waxaanu sheegay in arrimahaasi ay yihiin waxa ay dawladu ku burburaan. Waxanu yidhi. “Dalkeena Hore waxa u burburiyey saddex wax oo kala ah Qabyaalad, Qaad, iyo Qaado, sidaasi daraadeed markii aanu wax iska waydiinay ee aanu darisnay waxaanu aragnay in saddexdiiba ay si xaawli ah u shaqaynayaan sidaasi daradeed ayey Odeyaashii hore ee golaha wadatashiguna uga qayliyeen arrintan anaguna aanu aragnay, haddii aanu nahay Aqoon yahanadii reer Somaliland oo ka kooban qurbajoog iyo guddo joogba waxaanu go’aansanay in aanu shirkan jaraa’id qabano, Runtii dalkeena waxa burburiyey qabyaalad ay dhashay xukumadan uu hogaankeeda hayo siillanyo, waa marag ma doon ah in wasiir kasta oo xukumada ka tirsaniba uu isku xeeray reerkooda, waxa kale oo dalkeeni dhib ku haya shayga la yidhado qaado oo mid kasta xoolihii umada qaadanayo oo aanay cidii iska waydiinayn hore ayaa loo yidhi “Cidi kuma arkayse hays odhan afka buuxso”.Ayuu yidhi Xassan jaamac.

Maxamed Odowa Cigaal ayaa sheegay in xukumada madaxweyne Siillanyo ay diciifisay xidhiidhkii u dhaxeeyey Somaliland iyo wadamada jaarka sidda Itoobiya, halka uu sheegay in dalka masar oo qaranimada Somaliland ka soo horjeeda xidhiidh fiican la yeelatay waxanu yidhi.

“Xukumada Siillanyo waxay diciifisay xidhiidhkii wanaagsana iyo iskaashigii aynu la lahayn wadamada ina taageera ee qaranimada iyo gooni-isutaaga Somaliland si toos ah iyo si dadbanba u taagera sidda wadamada itoobiya iyo Koonfurta Sudan, Xukumada Siillanyo waxay Xidhiidh toos ah oo ad u dhaw, oo ah mid saaxiibtimo la yeelatay xukumadaha ka soo horjeeda qaranimada Somaliland oo ah wadamada carbeed ee Masar kow ka tahay kuwo kale oo carbeedna ku jiraan oo aan waligood ogolaaneynin qaranimada Somaliland, dhanka kale xukumada Somaliland waxay dhawaan ku dhawaaqday in ay joojisay baasaaboorkii cagaarka ahaa ee hore iyada oo aan sheegin kay ku badashay, sidaasi darteeda shacabkii reer Somaliland waxay ku qamaameen baasaboorka somaliya u gaar ah oo waxa dhacday in hargeysa si toos ah loogu bixiyo imika, waxaanu soo jeedinaynaa in tallo qaran la qabto, waxaanu kale oo aanu taageraynaa golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka”Ayuu yidhi.

Prof:Axmed X.cabdilaahi Azhari ayaa isaguna madaxweynaha Somaliland hadal dardaaran ah u jeediyey, isaga oo ugu baaqay in uu magac uu qaranka ku leeyahay uu ilaashado Waxanu yidhi “Madaxweyne ninka adiga oo qaldan ku toosiyaa waa nin wax ku taray, mana doonayno in tacabkii aynu soo galnay in aynu ku khasaarno khaasatan madaxweyne Axmed Siillanyo oo SNM hogaaminayey muddo 6sanno in uu ku fashilmo hogaamintan ama ay gacantiisa ku burburto qadiyada Somaliland ma doonayno, lakiin madaxweyne qaladkii kowaad ee aad gashay waxay ahayd markii aad xukunka la wareegtay, markiiba waxaad eriday shaqaalihii dawlada ee

20 Sanno soo shaqaynayey ee ahaa agaasime Guud illaa agaasime waaxad runtii waxaad u nisbaynaysay xukumadii udub ayey ahaayeen shaqaaluhu xaq iyo xuquuq ayey lahaayeen wax aad sii sayna may jirin, dhibtii ka dhacday illaa imika maamul xumada ku haysta ayey ka mid tahay, Qalad kali ah oo uu hogaamiye qaran gallo, ama ilduufo ayaa dal iyo dadkiisa ku burburaan, sidda dalkii ciraaq oo kale ama qaladkii siyaasadeed ee aynu galnay 1960 waxaa ka soo wareegay 53sanno walina dhibaatadiisi waa taasi in haysata waxa madaxweynaha waajib ku ah in aanu mar kale si fudud u galin khaladaadkii hore loo galay oo kale oo dad iyo duunyo lagu hoobtay, kuwa ilaawa taariikhdooda ama wixii dhib ay soo mareen waxa lagu ciqaaba in mar labad lagu celiyo dhibkii ay soo mareen, madaxweyne waxaanu ku soo jeedinaynaa in aanu Magacaagu noqon mid xumaan ka marag kaca.”Ayuu yidhi Prof.Azhari.

Maxmed Yoonis Cubeed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in geedisocodkii dimuqraadiyada Somaliland ay god madoow ku dhacday uuna ku riday madaxweynaha Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in xukumada siillanyo qastay doorashooyinkii dalka ka dhacay oo ay ku shubatay.

Cabdikariim Baande oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu ka jawaabo 16kii qodob ee loo soo gudbiyey oo uu bulshada Somaliland soo hordhigo wax cad. Waxanu yidhi. “Aniga oo ka tirsan xisbiga kulmiye golihiisa dhexe waxaan taageer sanahay gollaha wadatashiga iyo toosinta qaranka waxa aan aamin sanahay in ay yihiin 16-kii qodob ee odey-yadu soo bandhigeen qaar ka turjumaya dareenka shacabka Somaliland min saylac illaa Laas-qoray, waxaanu dareen sanahay oo aanu ognahay in 16-ka qodob iyo boqolaal kun oo qodob oo kale loo hayo iyada oo jirtay muddo saddex sanno oo kali ah, waxaanu ogsoonahay in shacabka iyo xukumadu warba isku hayn, waxa kale oo aan la yaabanahay waxa ay xukumada Siillanyo uga jaawabi ladahay qodobadaasi loo soo bandhigay ee ay albaabka uga xidhatay shacabkii reer Somaliland ee doortay, waxaan aamin sanahay in aan lagu meeraysan magaca gollaha ama Madal u bixiya ama golle u bixiya Balse 16-ka qodob waxa madaxweynaha looga fadhiyaa in uu umada Somaliland ka qanciyo oo uu ka jaawabo waa dareenkii shacabka intii ugu horeysay wali cidi kumay gaadhin madaxweyne adiga oo sharaf leh, geesinimo muuji oo adiga iyo xukumadaadu uga jawaaba shacabka dareenkooda la soo badhiga.”Ayuu yidhi Cabdikariin.

188Muj.Axmed Ibraahin (Wadne) oo ka mid ahaa mujaahidiintii Somaliland u soo halgantay ayaa Madaxweyne Siillanyo ku eedeyey in uu qaranimadii Somaliland uu aasay.

Waxaanu yidhi. “Anaga iyo golaha wadatashigu ma nihin qaar in ay nabadgelyada xumeeya doonaya, basle waxa aanu doonaynaa in hore loo dhaqaaqo, Madaxweyne Qaranimadii Somaliland waad Aastee, halkad aad ku aastay halagula ogaado, haddii aad tidhi madaxweyne Xafiisyadii somaliya hargeysa halaga furo, haddii aad tidhi Baasaaboorkii Buluug ahaa hala joojiyo oo kii kale ayaa fasaxa, haddii baddii lalawareegay, oo hawadii lala wareegay, haddii Isgaadhsiintii lalawareegay, haddii mucaawimooyinkii lalawareegay oo aynu isku mid noqonay somaliya, waataaso waanu aragnaaye umadani waxay usoo dhimatay ee ay rajada ka qabtay ee ay sugaysay waxay ahayd rajada somalilandnimada, Axmedow somalilandnimadii halka aad ku aasayso waa lagala hadlayaaye soo fadhiso oo ka jaawab oo tallo qaran ogolooow.”Ayuu yidhi Mujaahid wadne

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com