Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Aqoonyahanka Dalka Oo Ka Baydhay Wadadii Odayaashu Mareen Ee Waji Xaraashka Taageerayna Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka.

Hargeysa(MSL)Aqoonyahanka oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Hotel xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay taageersa yihiin Golaha la magacbaxay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, oo mudooyinkii gug dambeeyey ay bulshada Somaliland aad u hadal haysay, iyada oo fikrado kala duwan bulshadu ka bixisay.

Kulankan oo ay ka hadleen xubno badan ayaa wax aka mid ahaa Axmed Sandoon Xasan, ayaa sheegay markay qiimeeyeen arrimo ay kaa mid yihiin siyaasada,dhaqaalaaha iyo nolosha bulshada, inay ka qawadeen marxaladaa oo ay baalmareen cidii uu sharcigu u siiyey inay fuliyaan oo ah xukuumada iyo hay’adihii toosinteeda lahaa,wuxuna intaa ku daray anaga oo ah xubno ka mida aqoon yahanka dalka waxan taageero buuxda la garab taaganahay Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka, oo soo jeediyey 16 qodob kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin wax jira waajibna ay tahay in looga jawaabo, iyada oo cidii la doonayey inay ka jawaabto ay isku qaaday meelo kale oo aan loo baahnayn sidaa waxa yidhi Axmed sandoon.

Waxa isna halkaa ka hadlay Xasan Jaamac Baca doo yidhi anagu ma nihin shakhsi diid,qabiil diid,deegaan diid,iyo qaran diid midna,laakiin waxa dalkan baabiiyey saddex qodob oo kala ah, qabyaalad,qaad iyo qaatee qaado oo six ad dhaafa u kordhay intii xukuumadani joogtay, waxaanad arkaysaa wasiirka darawalkiisa, askariga ilaaliya,xoghayntiisa,waashmaanka,iyo inta kale ee u shaqaysa iyo waliba meheradaha uu fadhiistaa intuba waa reerka uu ka soo jeedo, oo waliba uu kula dhexjiro iskudir iyo kala fogayn,isaga oo intaa ku daray inay iska caadi noqotay(cidi kuma arkaysee afka buuxso), wuxuna yidhi xukuumadu waateenii raga halkan fadhiyaana waa kuwii dhisay, laakiin waxay ka leexatay majarihii waana waajib in lagu soo dabaalaa ayuu yidhi mr Bacad.

Xasan Jaamac Bacad isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: dhaqaalaha dalku wuxuu ku tiirsan yahay Xoolaha nool,oo ay sannadkii ka soo gasho xukuumada cashuur gaadhaysa 20milyan oo dollar, balse aad moodo in imika la dabargoynayo xoolihii, iyada oo xukuumadu heshiisyo qarsoodiya oo baalmarsan shuruucda dalka la gashay shirkado ajaaniba, isla markaana baadhitaano laga wado gobolada Togdheer, Daad-madheedh iyo Saraar, iyada oo aan wax qorshe ah loo samayn dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ay arrintani saamaynaysay dhibta ka imanaysa shiidaal qodista, dadka faa’iidada ka helayana ay yihiin ajaanib saami muuqda oo la sheegi karo oo ay Somaliland ku leedahayna aanu jirin lana dhinac mariyey inay ka doodaan Golaha wasiirada,Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida sidaas awgeedna uu xaaraan yahay heshiiskaa sharciga baalmarsan.

Waxa kale oo isna halkaa hadal ka soo jeediyey Maxamed Odawaa Cigaal, oo sheegay in xukuumadu ay tacadiyo kula kacday qarankan ay hogaaminayso oo ay iyadu gacan siiso kana farxiso cadawga Somaliland, iyada oo ka cadhaysiisa taageerayaasha Somaliland kuwa sida tooska ah u taageera iyo kuwa sida dadban u taageera, gaar ahaa itoobiya iyo koonfurta suudaan, iyada oo soo dhawaysa dalalka carbta oo aan doonayan raalina ka ahayn qadiyada Somaliland.

Wuxuna intaa ku daray in ay isku milmeen Somaliland iyo Somaliya sida Baasaaboorada,deeqda waxbarashada,tirokoobka, ganacsiga iyo isusocodka, isaga oo ku baaqay in shir qaran laysugu yimaado si loo saxo wixii khaldan.

Prof:Axmed Xaaji C/laahi (Axmed Azhari),oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in talaabadii ugu horaysay ee ay xukuumadu ku fashilantay ay ahayd markay 64 qof oo ka mid ahaa shaqaalah dawlada ay eriday, iyada oo ku sababaysay waxay ka tirsanaayeen xukuumadii Udub, iyaga oo leh xaq iyo xuquuq oo aan la siin wax ogaysiis ah, iyo xuquutoona isla markaana la yidhi wasiir kastaa waa inuu ku keenaa hab qabiil, iyadoo la daadiyey dadkii aqoonta lahaa lana keenay dad aan ehelkii shaqada ahayn waana taa maanta wali socota.

Waxa uu intaa ku daray qalad kaliya oo uu hogaamiye galo ama uu ilduufo ayaa dal dhan burburiya, qaladkii siyaasadeed ay 60kii galay oo ay ka soo wareegtay 53 sano yaynaan si fudu u galin, oo ay dad iyo maalba ku hoobteen dadka taariikhdooda ilaawa waxa lagu ciqaabaa mar labaad wixii ay soo mreen, waxaanu ku soo afmeeray hadalkiisii Azhari (halku mudacu kaa muday lugtaadiyo cagtu yaanay kula marin magacaaguna yaanu noqon mid xumaan ka marag kaca).

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Muj: Axmed Ibrahim (wadne)oo yidhi Madaxweyne wax kale layskuma haystee waa qaranimadii iyo madaxbanaanidii Somaliland, waanad aasaysaa ee halka aad ku aasaysid goob joog ha loo wada ahaado, waxana halkaa ka hadlay xubno badan oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com