Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sanad Guuradii 3-aad Ee Kasoo Wareegtay Markuu Tilihiisa Oo Uu Kulmiye Kaga Mudaharaadayo La Baxay

“Waxaan Go’aansaday Inaanan Timaha Iska Xiirin, Inta Uu KULMIYE Talada Hayo”

Hargeysa(MSL)-Maxamed Cali Cumar, waa muwaadin degen magaalada Hargeysa, waxaanu sameeyay mudaharaad salmi ah oo uu kaga soo horjeedo hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE.

Mudaharaadka uu muwaadinkani sameeyay waa mid uu noociisu ku cusubyahay wadanka. Maalintii uu KULMIYE ku guulaystay doorashada, ayuu balan qaaday inaanu shanta sannadood ee talada Somaliland loo doortay aanu timaha xiiri doonin, taas oo uu uga jeedo mudaharaad uu kaga soo horjeedo hoggaaminta xisbigan. Laba habeen ka hor ayuu Maxamed Cali Cumar u dabaal degay sannad guuradiisii saddexaad ee ka soo wareegtay maalintii uu qaatay go’aanka uu timaha kula baxay. Waxay sannad guuradiisa saddexaad ku soo beegmaysaa iyadoo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE habeen hore u dabaal degeen sannad guuradadoodii saddexaad.

Haddaba, Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xalay la kulmay muwaadinkan oo degen magaalada Hargeysa, waxaanu weydiiyay sababta uu go’aankan u qaatay, waxaanu ku jawaabay “Maalintii Madaxweyne Siilaanyo Somaliland qabsaday ayaa iigu dambaysay wakhti aan timaha xiiro, shantaas sannadoodna ma xiirayo ayaan idhi. Ujeedadaydu waxa weeye KULMIYE iyo siyaasadihiisa ayaan mucaarad ku ahay, waana mudaharaad aan kaga soo horjeedo.”

c/qani

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Dad badan ayaa ila yaabay maalintii aan go’aankan qaatay, balse hadda ayay badankoodii igu soo biireen oo ay ila qaateen mawqifkaan aaminsanaa iyo waxyaabihii aan wakhgitaas arkayay ee ii muuqday.”

Maxamed, wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa xisbigii UDUB, “Markii la yidhi KULMIYE ayaa doorashadii helay ayaan aniguna idhi shantaas sannadood timaha ma xiirayo habeen hore ayaanan u dabaal degay sannad guuradaydii saddexaad.” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Cali Cumar, oo u waramay Geeska Afrika.

Sawirada Maxamed laga qaaday oo lagu qaadaa dhigayo baraha twitterka iyo facebook, ayaa waxa laga dareemayaa farqiga u dhexeeya timihiisa wakhtigii uu go’aankan qaatay iyo maanta. Waa mudaharaadkii u horeeyay ee noociisa ah ee wadanka Somaliland ka dhaca iyo guud ahaan dhulka ay Somalidu degtaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com