Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Somaliland oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu Hargeysa ku sugan yahay.

Hargeysa (maantasomaliland) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Somaliland oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu Hargeysa ku sugan yahay.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Dhaahir (Cukuse)
Waxa uu carrabka ku dhuftay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu goor dhaweyd khadka Telefoonka ugu waramayay Shabakadda Caalamiga ah ee maantasomaliland.com, waxaanu yidhi ?Waar anagu ma ogin mid khaarijiyeed iyo mid arrima guddeed toona oo dalkayaga yimid oo dal kale ah, oo maanta ku sugan oo aanu ognahay ma jirto.

Saxaafaddana waxa la gudboon, halka ay joogaan way yaqaanaane marka ay waxan oo kale qorayaan in ay xaqiijiyaan oo ay labadda dawladood ee ta loo yimid iyo ta laga yimid ee ay sheegayaan ay ka hubiyaan warkan oo kale, Waa la lahaa Afsoomaali maaha? ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Wasiirka Oo Aanu Waydiinay bal in ay suurtogal tahay in mar hadii ay labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia ku heshiiyeen qaybsiga Hawadda in ay warbaahintu ka war heshay in uu ku soo fool leeyahay dalka Somaliland wasiirka arrimaha Gudaha Somalia waxa uu yidhi ?Waxa aan ku idhi Dawladda Somaliland iyo Somalia wada hadaladoodu waxa ay ka dhacaan dalka Turkiga, labadii Goor ee ugu dambeeyay halkaas (Turkiga) ayay ka dhaceen.

Halka labaad ee balanta lagu leeyahay ee 120-ka maalmoodna waa dalka Turkiga uun, maaha dal Kale, Somaliland maaha, meel kalena maaha.

Arrimahan Hawada ee ay labadda dal wada gaadheena wax aay ahayd heshiis, meelaha lagu sii faaqidayaana gudi farsamo ayaa ka shaqaynaysa ee maaha wax inta ay wasiiro inta ay ka kulmaan shir weyn oo noocii oo kale ah laga gelayaaba? ayuu yidhi.

Wasiirka oo aanu waydiinay bal waxa ka jira in kulan xalay ka dhacay Madaxtooyadda oo ay qaar ka mid ah mareeguhu ku baahiyeen warkooda in ay xukuumadda iyo golaha wadatashigu ay isku faro saareen, waxa uu yidhi ?Waan la yaabanahay Najaxoow, Arrinta 17 suldaan oo aad waraysateen oo meel fadhiya ayaaba Idiin sheegay sidii ay wax ahaayeen, Warbaahinta caafimaadka qabta oo dhamina sidaas bay qortay, mid iyo laba ka mid ah Website-yadda oo warka meel ay ka qaateen aan la garanaynin baa la ii sheegay in ay qoreen warka caynkaas ah.

Saxaafadda waxa la gudboon waxa ay hubto ee ay xaqiijisay in mid ka mid ah beeniyaa waa ku ceeb, markaa waxa ay tahay in ay iyagu baadhitaan sameeyaan oo ay u sheegaan umadda in warka kuwaa kale ay qoreen uu been yahay oo iyagu ay soo taabteen oo 17 suldaan hor fadhiisteen, ma jirto, may dhicin meel madaxweynaha iyo nimankaas aad sheegaysaa ay isku soo hor fadhiisteen iyo waxa ay ka wada hadleen toona? ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Oo Khadka Telefoonka Ugu Waramayay Goor Dhaweyd maantasomaliland.com. isagoo ku tlmamay warkaasi mid aan sal iyo raad toona lahayn.
aamina nuur faarax
maantasomaliland.com
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com