Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

magaalada xariirad oo saan saan colaaded ka dilaacday iyo rasaas laba maleeshiyaad is waydaarsadeen +

Xarriirad(m) magaaladda Xariirad oo ay ka dhaceen laba Di loo isweydaar ah oo ay kala geysteen labada Beelood ee wada dega ayaa noqotay goob Colaadeed oo ah Furin ay labada beeloodba markasya filan karaan khasaare, iyadoo wararka ka soo baxayaa sheegayaan in qof kastaa Heegan ku jiro saacad kasta.

Wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya in Habeen hore goor saq dhexe ah Maleeshiyo ka soo jeeda labada Beelood midkood Rasaas Ooda kaga qaaday Dad socoto ah oo marayay Duleedka magaaladda, taasoo sababtay Naf xaraarihii in dhaawacyo ka soo gaadhaan Orodkii, hase yeeshee wax rasaas ahi aanay ku dhicin,

Magaaladda waxa ku sugan Ciidamo Gurmad ah oo la geeyay markii ay Dilalku ka dhaceen, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland ilaa hada labada dhinac midkoodna kumay qancin in ay gar-waaqsadaan dhibaatadii halkaas ka dhacday. Isla markaana soo dhaweeyaan xalka dhiiga dhexdooda yaala si ay Dadweynuhu uga baxaan Soo-mahaadka ay ku jiraan.

Ciidanku inta itaalkooda ah sugida Amaanka ilaa hada gacanta ayay ku hayaan hase yeeshee waxa jira dhacdooyin mararka qaarkood sababi gaadha in ay isku dhacaan iyaga iyo Dadweynuhu tusaale ahaa waxa habeen dhaweyd ay dirqi ku kala badbaaadeen koox Hubaysnayd oo ku qayilaysay Guri, intii aanay xabadu Af-ka ka bixin ayaa la wadahadlay dabadeedna la is af-gartay.

Si kasta ha ahatee magaaladda Xarriirad waa magaalo marti uga ah Xukuumadda in ay Guurti culus oo labada beelood Colaadooda soo af-jarta u dirto si aanay dhibaato kale mar danbe uga dhicin labada Beelood oo inta la ogyahay aad u kala fog.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com