Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Dhawaaqay In Uu Hakiyey Wadashaqayntii Uu La Lahaa Xukuumadda Muqdisho – See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Maamul-Goboleedka-Puntland-Oo-Ku-Dhawaaqay-In-Uu-Hakiyey-Wadashaqayntii-Uu-La-Lahaa-Xukuumadda-Muqdisho.html#sthash.ph9dhWEz.dpuf

Garowe(MSL)Maamul Goboleedka Puntland oo ku dhawaaqay in uu hakiyey wada shaqayntii iyo xidhiidhkii ay la lahaayeen Dawlada Federalka somaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho sidaasina waxa lagu sheegay war-saxafadeed qodobo badan ka koobnaa oo ka soo baxay maamulkaas waxa uu u dhignaa sidan.

QODOBBADA AY PUNTLAND KU EEDEYSAY DOWLADDA SOMALIA:

1. DFS waxay diiday hi

rgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka KMG

ah ee rasmiga ah iyo dib u eegis Dastuur oo sharci ah;

2. DFS waxay diiday inay dhaqangeliso Heshiiskii ay la gashay Puntland,

March 11, 2013;

3. DFS waxay weecisay hadafkii la dagaalanka kooxda xagjirka

ah ee Al

Shabaab oo khatar wayn ku ah nabadeynta Soomaaliya;

4. DFS waxay faraha la gashay dagaal beeleedyo dhiirigalinaya haysashada

sharci daradda ah ee hantida dadweynaha iyo hantida dowladda iyo

deegaanada taasoo horseedaysa cadaalad darro ka dhacdag

obollada

Banadir, Jubbada Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose;

5. DFS waxay diiday inay la wadaagaan Dowladaha Xubinta ka ah (States)

Dowladda Federaalkaawoodda siyaasadeed, kheyraadka iyo deeqaha

caalamiga ah oo lagu helo magaca Soomaaliya sid

a deeqaha waxbarasho;

6. DFS waxay diiday inay wax ka qabato burburka dhaqaale oo ay sababtay

lacagtii Shillin Soomaaliga oo suuqa ku yaraatay, iyadoo daabacaada lacag

cusubi ay tahay mas’uuliyadda Dowladda Federaalka;

7. DFS waxay saxiixday heshiis amaa

nka xeebaha ah oo khatar ku ah

madaxbanaanida Soomaaliya;

8. DFS waxay taageertaa kooxaha khalkhalgelinta oo ka qeybqaata kicinta

iyo degenaansho la’aantasiyaasadeed ee deegaanada dalka Soomaaliya;

9. DFS waxay inkirtay dib u heshiisiinta qaran iyadoo diiday wax ka qabadka

barakicinta iyo dib usoo celinta hantidii la kala boobay tan iyo dagaaladii

sokeeye ee bilawgii 1990s;

10. DFS waxay tarjumaad khaldan ka bixisaa dalka iyo dadka Soomaaliya

gooba

ha caalamiga ah iyadoo ku guuldaraysatay soo bandhigidda arrimaha

qaran ee muhiimka ah.

Sidaa darteed, Dowladda Puntland waxay hakinaysaa wadashaqayntii iyo

xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo intii ay

Dowladda Federaalka:

1

. Dib u soo celinayso kuna dhaqmayso Dastuurka Federaalka KMG ah ee

rasmiga ah;

2. Wadatashiyo la yeelato Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda

Federaalka ee arrimaha dib u eegista Dastuurka, arrimaha Federaaliga iyo

arrimaha amniga Qaranka ah, arrin

taasoo waafaqsan xuquuqda dastuuriga

ah ee Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka; iyo

3. Hirgalinayso nidaam lagu xaqiijiyo qeybinta deeqaha caalamiga ee lagu

helo magaca Soomaaliya.

Tan iyo intii laga xallinayo arrimaha kor ku xusan, Dowl

adda Puntland waxay

ku dhaqmaysaa xuquuqda iyo awoodaha ku xusan Dastuurka Puntland iyo

Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee rasmiga ah, Dowladda Puntland kaliya

ayaa wakiil ka ah dhammaan arrimaha Puntland gudaha iyo dibedda.

Talooyin ku socda Maamuladda S

oomaalida:

1. Taageeridda Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, kaasoo

xaqiijinaya hirgalinta nidaamka Federaalka iyo xaquuqda Maamullada dalka,

si loo xaqiijiyo dib u midaynta Soomaaliya;

2. Taageeridda dhismaha Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dow

ladda

Federaalka iyadoo loo raacayo nidaam xor ah oo ku salaysan dib u

heshiisiinta deegaanada, si waafaqsan Dastuurka Federaalka; iyo

3. Hirgalinta hey’adaha amniga si loola dagaalamo kooxaha xagjirka Al

Shabaab iyo wixii khatar ku ah nabada iyo xasiloon

idda deegaanada

Soomaaliya.

Talooyin ku socda Beesha Caalamka

1. In la isku raaco lana cadeeyo Dastuurka Federaalka ee rasmiga ah, sida

lagu xuso qoraalada iyo war saxafadeedyada ka soo baxa Beesha Caalamka;

2. In Somaaliya lagu caawiyo dib u dhiska Ci

idanka Xooga Dalka oo

deegaanadooda lagu dhiso si mustaqbalka loo mideeyo loona xaqiijiyo isu

dheelitirka, wadashaqaynta iyo sharafta ciidanka;

3. In la xaqiijiyo qaab cadaalad ah oo isu dheelitiran oo lagu qeybiyo

deeqaha caalamiga ee lagu bixiyo magaca Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com