Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Ciyaaraha Oo Maanta Koobabkii Gudoonsiiyey Kooxihii Kaalmaha Hore Ka Galay Tartan Ciyaareedkii Bisha Barakaysan Ee Ramadan

Hargeysa(msl)wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland cali siciid Raygal oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha ayaa maanta Gudoonsiiyey Kooxdii ku guurlaysatay koobkii Kubada kolayga ee bisha Barakaysan ee Ramadan,kaas oo xalay lagu soo gabo-gabeeyay garoonka kubada kolayga ee Timo-cade.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb-galeen xubno wasiiro ah iyo dadwayne kale ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Hay,adda shaqaalaha dawlada taas oo lagu gudoonsiinayey kooxdii ku guulaysatay koobkii bisha Ramadaan oo ah kooxdii ku ciyaaraysay magaca wasarada macdanta iyo Tamarta,wasiirka wasarada ciyaarah
Oo madashaas ugu horayntii ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“maanta waxa ii tahay farxad ka wasaarada ahaan inaan ka soo qaybe galo oo aan biladahan gudoon siiyo kooxaha ku guulaystay ee ciyarta ku bada ee bisha ramadaan kaas oo ka socoday garoonka kubada kolayga ee timo-cade oo waliba ah waxa la xasuusto laba arimood oo halkan ku jira in kooxdii macdanta iyo tamartu oo ah koox maalin aan sidaa ufogay qaadatay wasaaradu waa waxa lagu farxo kooxdaasi oo hada ku guulaysatay koobkii bisha ramadaan ee ka socoda garoonka timo cade ee magaalada hargaysa iyo kooxda heerka saddexaad ee quule Aadan dool oo iyana heerka saddexaad ugashay kaalinta koobaad runtii waa waxa lagu farxo“ ayuu yidhi wasiir Raygal.

Waxa isna halkaasi ka yidhi kalmadiisa agaasimaha guud ee wasaarada dhaliyarada ciyaara Somaliland maxamed xuseen waxa uu yidhi“runtii faraxda bay noo tahay koobka ka socoday garoonka timo cade ee magaalada hargaysa wasaarada ahaan,waxaan si gaar ah ugu mahada naqayaa kooxda ku guulaysatay koobka ee ku ciyaaraysey magaca wasaarada macadanta iyo tamarta Somaliland oo runtii uu masuul ka yahay wasiirka haatan madasha inala fadhiya oo aan leeyahay waad mahadsantay, runtii waxa jiray dad badan oo kooxo soo tageerayey dhaliyaro badan hase ahaatee dadkaasi ninba meel ayuu taariikhda ka galayaa“.
Dhinaca kale wasiirka wasarada maaliyada oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay masuuliyiinta wasarada ciyaaraha taas oo uu sheegay in ay tartamada noocan oo kale ahi ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dhalinyarada Somaliland isla markaana loo baahan yahay in kor looqaado si ay dhalintu uga bad-baado dhamada xun xun.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com