Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kulan lagu soo bandhigayey halka ay marayso hawsha rugta buugaagta ee qaranka Somaliland ayaa ka qabsoomay Hotel Sumer Time ee magaalada Hargeysa

Hargeysa, (msl)- Kulan lagu soo bandhigayey halka ay marayso hawsha rugta buugaagta ee qaranka Somaliland ayaa ka qabsoomay Hotel Sumer Time ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, guddida gacanta ku haysa hawsha rugta buugaagta, qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland iyo marti sharaf kale.

Axmed Daahir oo ka tirsan guddida qaban qaabada dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in wakhtigan la hayo dhulkii laga dhisi lahaa, taasoo ay bixisay xukuumada Somaliland, waxaanu ka waramay baahiyaha ay bulshada Somaliland u qabto in la helo rugta buugaagta ee heer qaran, waxaana hadaladisii ka mid ahaa. “Muhiimada aynu iskugu nimi waxa weeye inaynu bulshadeena gaadhsiino farriinta la xidhiidha rugta buugaagta ee heer qaran, muddo kooban ayeynu ku dhisi karnaa haddii aynu gacmaha isku qabsano, nasiib wanaag xukuumaddu dhulkii loogu talo-galay rugta buugaagta ee heer qaran way bixisay, waxaanan jecelahay in qof walba uu arrinkan iska xil saaro dhismaha rugtan buugaagta. Sidoo kale waxa uu ka hadlay baahida ay carruurta Somaliland u qabto inay hesho rugta buugaagta ee heer qaran, taasoo uu tilmaamay in carruurta waxbarashada u heelan ee Somaliland ay baahi badan u qabaan.”

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay kulankaas ayaa ka warramay baahida loo qabo in lagu guulaysto dhismaha rugtan buugaagta, isagoo xusay in dadka reer Somaliland ay baahi badan u qabaan rugtaas buugaagta ee heer qaran.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxaynu caawa iskugu nimi dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran, waa rug qaaliya waayo waa goob cilmi, iyada oo layna faray inaynu cilmiga barano oo carruurteena barno, waxaana jira axaadiis badan oo ku soo aroortay cilmiga, rugta buugaagta waa goobta kaliya ee haddii uu qofku galo uu ka soo baxayo isaga oo cilmi leh rugta buugaagtu waa wax ka dhaxeeya caalamka oo dhan haday tahay dugsi hoose mid dhexe mid sare iyo jaamacadahaba, Hargeysa ma laha rug buugaagta oo qaran, waana aafo qaran.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey. “Dhalinyaro ayaa ku kacday in rugta buugaagta ee heer qaran la dhiso, waxaana loo baahan yahay in la garab galo, waliba baahida aynu u qabno rug buugaag way ka badan tahay baahiyaheena kale, rugta buugaag la,aanteedu waa mashaakil dhalinyarada haysata, balse waa meel loo baahan yahay inay dhalinyaradu fadhiisan karaan, kaga shaqayn karaan casharooda loo soo diray, kana heli karaan adeegyada dhinaca waxbarashada, waxaan leeyahay cid kasta oo gacan ka gaysata dhismaha rugtan buugaagta iyo maamulkiisaba waxay helayaan xasanaad badan,waxaan ku boorinayaa shacabka Somaliland inay u hagar baxaan dhismaha rugtan buugaagta.”

Suxufiga Cali Axmed Raabi (Cali-seenyo) oo isaguna kulankaaska hadlay ayaa ka waramay aqoonta iyo sida loogu baahan yahay in lagu dedaalo, isaga oo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ugu baaqay in laga qayb qaato dhismaha rugta buugaagta ee heer qaran.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com