Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay fal-celintii ay xukuumadda iyo dad uu sheegay in ay soo abaabushay ka bixiyeen Golaha Wadatashiga Iyo toosinta Qaranka oo hargeysa lagaga dhawaaqay.

Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay fal-celintii ay xukuumadda iyo dad uu sheegay in ay soo abaabushay ka bixiyeen Golaha Wadatashiga Iyo toosinta Qaranka oo hargeysa lagaga dhawaaqay. Waxa uu sheegay in aanu jirin hal qodob oo inta ka soo horjeeda Golaha Wada Tashiga iyo toosintu ay u cuskadeen xaaraantinimaynta golahaasi.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in Jawaabihii ay golahaasi ka bixiyeen Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Guddoomiyaha kulmiye, dhinaca madaxweyne Siilaany uu jeclaystay weedha Wasiir Xirsi.

Waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo geliyay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga, waxaanu u dhignaa sidan

Kooxda la magac baxday Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka markii ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen golaha ay sameeyeen siyaabo kala duwan ayaa looga kala fal celiyay.

Inta ku sheegtay ku dhawaaqidda Goluhu inay tahay sharci daro waxay ahaayeen xukuumadda ama kuwo ay xukuumaddu ka hadlisay ama sida moobilka ay lacag ku shubatay.

Isku wada dar ma jiro mid ka mid ah xukuumadda ama dadka ay adeegsanaysay oo sharciga lagu xad gudbay taabtay hal qodob na ha ahaado .

Xataa may kala cadayn inay dastuurka u jeedaan iyo inay xeer barlaman ujeedaan, sababtuna waa mafhuum.

Ma jiro qodob sharciga Somaliland oo ku dhawaaqidda goluhu uu ka hor imanayaa. Laakiin waa suurtogal inu ka hor imanayo sharci darada maanta dalka lagu xukumo.

Marka aynu dadkii ka hadlay arinkan cusub dib u eegno dhinca xukuumadda bal wasiirka madaxtooyada soo qaado. Isagoo kala Baydh jooga ayuu hadlay, golaha kamuu hadal iyo sharci darada uu ku sheegayo bal se wuxu si shakhsiyadaysan weerar toos ah oo cay iyo af legaado keliya ah ugu qaaday xubno ka mid ah kooxdii ku dhawaaqday golaha.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo isagu wadadii Xirsi oo dabcan ah sidii uu jeclaa madaxwaynuhu waxay ka xanaajisay kooxda Xirsi ee xukuumadda ka tirsanayd, lakiin dhinaca kale waxa la odhan karaa waxay ilaa iyo xad dejisay xaaldii hadii kale cirka isku shareeri lahayd ee khilaafka dhinacyada kala taageersan aragtiyaha labada dhinac ee Golaha iyo xukuumadda.

Waxa nasiib daro ah labada hadal ee Xirsi iyo Muse Bihi in ka madaxwaynuhu jeclaystay uu noqdo ka Xirsi, taas oo miqyaas aynu ugu dhigan karno nooca hogaaminta dalka xili madaxwayne Silanyo ay muddo xileedkiisii uga hadhsan tahay wax ka yar lab sanadood iyadoo xiligan jawiga dhinaca siyaasaddu guud ahaan uu yahay mid cakiran inu sii cakirmo na ay u dhawdahay marka xaalka madaxwaynuhu wada tashi iyo kala tashi uu noqdo laba kala daran mid inuu doorto ee weliba ta u daran ee inoo wada daran uu doorto.

Dhinaca xukuumadda ninka qaldan ee siyaasadii madaxwaynaha ka leexday maaha wasiirka madaxtooyada ee isagu ka tarjumayay siyaasadda, aragtida, iyo rabitaanka madaxwane Silanyo, bal se ninka qardo jeexa qaaday ee arinka midi roorteeyay waa gudoomiyaha kulmiye, Muse Biixi oo markiisii horeba ula booc ah loogu tukubayay.

Si kasta ba xaalku ha ahaado eh waxa muuqata in madaxwayne Silanyo aanu marna u soo jeedin xaga wada tashiga iyo in wixii khilaafaad ah xalin tooda loo maro hab nabadeedkii ay Somaliland ku soo caano maashay ee khilaaf xalinta, hadii xataa isagu uu dooni lahaa na, inta ku xeeran ee Xirsi uu kowda ka yahay ayaan ogolayn isagu na waxba kuma diidi karo.

Ugu dambaystii waxan filayaa eraygii “is muquuninta” ee hore uga maqnaa qaamuska Somaliland in markan ay talo xumada xukuumadu ay ku soo dari doonto- cid wax muquunisa iyo cid la muquuniyo ba.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com