Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiiru Dawlihii Hore Ee Wasarada Xananada Xoolaha Xukuumadii Rayaale Kana Mid Ah Ururkii Xaqsoor Oo Ka Hadlay Wadahadaladii Xukuumadda Iyo Xaqsoor, Madaxwayne Silanyona Ku Hambalyeeyay Bixinta Darajada Ciidamada.

Hargeysa(QNN)Wasiiru dawlihii hore ee wasarada xanaanada xoolaha ee xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Eng.Aadan Daahir Maxamed kana mid ahaa masuuliyiintii urur siyaasadeedkii xaqsoor oo maanta shirjaraa,id ku qabtay magalada Hargeysa ayaa ka hadlay halka ay marayaan wadahadaladii xukuumadda madaxwyne siilanyo iyo xaqsoor halka ay marayso iyo waliba dareenkiisa ku aadan Golaha wadatashiga iyo Toosinta qaranka,ugu horayntii Eng.Aadan Daahir oo ka hadlaya halka uu marayo wadahadalkii xukuumadda iyo xaqsoor waxa uu yidhi”marka ay umaaddi meel wada degantahay waa qasab in ay wada hadasho xaqsoorna kuwaas buu ka mid yahay in kasta oo aanuu midho dhalin hadana lagama quusan ee waa aanu rajaynaynaa in uu midho dhalo anagoo niyad sami ku galnay wadahadalka sida uu gudoomiyahayagu sheego,waxaana ka mihiimsan in la heshiiyo ama mansab la bixiyo waxa ka fiican in si niyad sami ah loogu sheego taageerayaashii ururkii xasoor oo ah dadkii bacadka isu taagtay ururkan oo ah muhiimada koowaad in la qanciyo dadkaas oo ah dadkii bacadka isusoo kayo taagay,waxanan soo dhawaynay xubnihii labada dhinac ee xukuumadda iyo ururka oo aanu ku niyad samayn,waxaanan qabaa in ay ahaayeen dadkii ku haboonaa oo wasiiro wax dhamayn karaa ku jiraan waxanan rajaynaynaa in ay waxaasi dhamaandoonto waayo biyo daatay dabadood baa la qabtaa” ayuu yidhi Eng Aadan Daahir.
Dhinaca kale isagoo hadalkiisa sii wato waxa uu ka hadlay waxa ay ka aamin sanyihiin ka urur ahaan Golaha wadatashiga iyo toosinta ee dhawaan lagu dhawaaqay kaas oo uu sheegay in aanuu wax xidhiidh ahi ka dhaxayn golahan iyo ururka isla markaana uu gudoomiyaha ururku Muj.Xasan Ciise oo uu la mid yahay uun sida gudoomiyaha UCID waxanuu yidhi”hadii aan ka hadlo golahan iyo ururkii xaqsoor waxa aan odhan karaa arrintani in aanay ahayn arrin xasoor u gaar ah madama uu golahan ku jiro gudoomiyihii ucid waxa ku jira Kulmiye oo haddii aanan khaldanayn in uu Maxamed Xaashi ka mid yahay kulmiye oo aanan ku hayn saxafada in uu ka baxay waxanan odhan karaa arrintani uma gaar aha xasoor”
Ugu dambayntii waxa uu ku hambalyeeyay madaxwaynaha Somaliland bixinta derajada ciidamada oo ah baal cusub oo uu madaxwaynuhu u furay ciidamada qaranka Somaliland waxanuu yidhi”waxaan doonayaa in aan halkan hambalyo qaaliya halkan uga diro madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland qaabka iyo sida uu u muujiyey bixinta derajada oo laf dhabar u ah ciidamada baal dahabana u furaya oo ifaya,waxanan soo jeedin laha in gudida loo saaraa ay si cadaalad ah u bixiyaan”ayuu yidhi Eng Aadan Daahir.

maantasomaliland.com/Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com