Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Cigaal iyo Hamigiisii Ahaa Dal Dimuqraadi Ah Oo Afrika Laga Unko By:Barkhad-ladiif M. Cumar, Q:2AAD

Madaxweyne Cigaal waxa dadku isku raacsan yihiin in aanu nin qabiil ahayn, isla markaana aan lagu arki jirin xafiiskiisa iyo madxtooyadaba siyaasiyiin ka soo jeedda deegaankiisa, waxaana taas daliil u ah waxa ciidankiisa gaarka ah ee madaxtooyada ilaaliya taliye u ahaa sarkaal reer Sool ah

Madaxweyne Cigaal waxa dadku isku raacsan yihiin in aanu nin qabiil ahayn, isla markaana aan lagu arki jirin xafiiskiisa iyo madxtooyadaba siyaasiyiin ka soo jeedda deegaankiisa, waxaana taas daliil u ah waxa ciidankiisa gaarka ah ee madaxtooyada ilaaliya taliye u ahaa sarkaal reer Sool ah, waxaana iska kala dambeeyey dhawr taliye oo intuba ahaayeen reer Sool ah, waxa kale oo wasiiradda ugu dhowaa ahaayeen wasiiradda aan ahayn kuwo ka soo jeedda deegaankiisa,waxaanu inta badan marka uu dalalka kale booqanayo weftigisia ka ilaalin jiray wasiiro ay isku beel yihiin, waxaanu u bad naayeen

wasiirada kale, waxaanu inta badan sidaas u samayn jiray si aan loogu dhaliilin marnaba inuu yahay qabyaaliste, wax lagu dhaliilana waxa uu ugu necbaa qabyaalad in lagu shaanbadeeyo sida ay tilmaamayaan hab dhaqanka maamul ee laga soo xigtay.

Maqaalkii u dambeeyey ee uu Gees ka qoray dhacdooyinkii Cigaal iyo sida uu wax u maamuli jiray, waxaanay u qaybinayna saddex arrimood oo maqaalkaasi si dahsoon ugu iftiimiyey hab dhaqanka madaxweyne iyo Cigaal iyo sida uu jeclaa dal dimuqraadi ah oo caalamka la talaabsanaya:

1. Waxa maqaalkaasi tilmaamayaa sida golihii Wakiilada ee qaab qabiilka ku yimid ka fiicnaayeen kana dal jacayl badnaayeen kuwan hadda joogo oo u badan qurbo joog soo shaqo tagay, waxay kuwaasi ilaalin jiray in madaxweynuhu jabin dastuurka iyo in aanu ku amar ku taaglayn xeerarka ummadda u yaal.

2. Qodobka labaad ee lagala soo dhex bixi karaa maqaalkaasi waxa weeyi inuu madaxweyne Cigaal ahaa nin dimuqraadi ah oo aan dadka cabudhin jiray, isla markaana ogolaanaya in lala doodo iyo in la saxo, taasna waxa u marag ah marka golihii wakiiladdu diideen ajandihiisa, isagoo awoodaya inuu lacag badan ku maalgaliyo in shirgudoonka laga tuuro meesha oo la dhigto dad u adeega laakiin wuxu jeclaystay inay dawladnimadu ku fiican inay in is celiyo oo aan muxaafad la wada noqon, balse la is dheeli tiro, waxaanu rumaysnaa inuu bani?aadam yahay wax khaldami kara sidaa darteed aanu meesha ka saarin gola wakiilo oo qaban kara, tusaale waxa kugu filan wakhti lagu qaaday xil ka xayuubin taasoo uu ku badbaaday faro caaradood iyo dirqi, dhawr jeerna waxa uu isku dayey inuu is casilo balse waa laga diiyey, waa kuma ninka madaxweyne ah oo waraaq iscasilaad qari kara oo afrikaan ah.

3. Qodobka saddexaad ee meesha ku jiraa waxa weeyi in madaxweynaha wasiirkiisu runta u sheegi karo, isagoo cabsanayna ku dhiiranaan karo inuu go?aan gaadhi karo uu xal u arko, go?aankaasi oo aan xiitaa raali galin Karin madaxweynihiisa, kana cabsoonayn inuu xilka ku waayi karo, waxase ka sii daran madaxweyne wasiirkiisa garabkii ay is hayeen taageerayo hadana madaxweynuhu ku raacayo.

Arrimahaasi waxay astaan u yihiin dimuqraadiyada iyo tallo wadaag madaxweyne Cigaal ee ku dayashada mudan, waxaana halkaasi ka soo baxaya in hogaamiyuhu mar walba saxsaneen sida Afrikaanka, isla markaan aanu Cigaal u dhaqmi jirin sida ay udhaqmaan madxweyneyaasha afrikaanka ah, balse ahaa nin rumaysan in wax loo sheegi karo o xiitaa wasiirkiisu madal la joogo khaladkiisa taabsiin karo, Rayigiisa u madax banaan yahay sidaasna ku qaadanayo kuna soo dhoweynayo.

bal aynu eegno qayb ka mid ah maqaal uu arintaasi kaga sheekaynayo Prof: Maxamed Siciid Gees iftiiminayo habdhaqanka ku dayashada badan ee uu umadda Somaliland uga tagay, waxaanu qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo ku bilaabay ?sannadkii 1999 aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland ee Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa Madaxweynuhu Digreeto soo saaray uu ku magcaabayo jaggadii Guddoomiyihii Guddiga Caddaaladda, Wasiirkii Caddaaladda, Dastuurkuna waxa uu dhigayaa in Guddomiyaha Maxkamadda Sare uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda. Haddaba, aniga oo ka mid ahaa Guddigii isku daray labadii nuqul ee Dastuurka Qaranka ee midna uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa ee Dr. Khaliil oo markii dambe madax ka noqday aftidii laga qaaday Soodaanta Konfureed ee ay waddanka cusub ku noqotay iyo nuqulkii uu samayey Guddigii uu u xil-saaray Golaha Wakiilladu. Markii aanu arrintaas ka doodaynay, waxa qoraal noo soo diray Guddoomiyihii Maxakamad Sare oo ahaa nin aqoon sharci leh oo qoraalkiisa kaga digay inaan Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaheed aan la gelin Maamulka Maxkamadaha ee ay ku koobnaadaan Garsoorka oo keliya. Taladiisii lama qaadan?ayuu ku bilaabay qoraalkiisa Gees oo ka hadlay dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii CIgaal maamulayey dalka oo ay si weyn iskaga horyimaadeen Madaxweynaha iyo golaha Wakiilada taas oo meel adag gaadhay, isagoo Gees sii sharaxay hawsha loo igmaday iyo waxa khilaafka keenay waxa uu yidhi ?si cabashada dadwenyuhu ka cabbanayaan Maxkamadaha uu wax uga qabto ayuu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal tallaabadaas u qaaday. Arrintii cirka ayey u baxday oo Golihii Wakiilladu oo ahaa kii ugu xilkaasnaa ee ina soo mara oo ay hagayeey Guddoomiyayaal waxgarad ah sida Mudane Axmed Qaybe iyo Cabdiqaadir Jirde waa ka booday, waxayna ku eedeyeen xukuumadda gaar ahaan Madaxweynaha inuu Dastuurkii jebiyey.

Guddi ayuu magacaabay Madaxweyne Cigaal oo uu madax ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaas ahaa Wasiirka Maaliyadda, si ay Golaha Wakiillada ugala hadlaan arrintan. Waxa arrintii genafka ku dhuftay oo diiday xitaa inay soo galaan Xarunta Golaha Xildhibaanada Golaha.?

Qodobkaasi dambe waxa uu ku tusayaa awoodii dheeli tirnayd ee dawladnimo inay wakhtigaasi jirto halka uu maanta hal dhinac iskugu biyo shubtay (gole sharci dajin, gole garsoor iyo xukuumad ay isku mid noqdeen), bal u fiirso awoodda shirgudoonku u isticmaaleen guddi wasiiro ah oo madaxweyne magacaabay inay u diidaan inay xiitaa xeyndaabka baarlamaanka soo galaana, taas waxa ka sii daran dooda adag ee shirggudoonka iyo madaxweynuhu isku haleeleen iyo sida uu madaxweynuhu u tanaasulay isagoo ixtiraamaya hadalka wasiirkiisa runta u sheegay inay xukuumaddu khaldantahay, bal maanta garab dhig?. cir iyo dhul bay isku jiraan?.

Bal u fiirso doodda dhexmartay madaxeyne Cigaal iyo shirgudoonka golaha Wakiiladda oo ay dhexdhexaadinayaan golaha Guurtidda iyo sida madaxweynuhu u tanaasulay, isagoo ka eegeen dantiisa oo awoodi karo hadii uu doono inuu golaha mustafeeyo ayuu door biday inuu dalku noqdo dimuqraadiyd aan cidi ku amar taaglayn Karin, taasina waxay ku tusaysaa inay dawladnimo tahay inay is dheeli tirto oo aanu qofna yeelan umad sida uu doonana ka yeelan kuna xisaabtamin, hogaamiyaha wanaagsan waxa lagu gartaa astaamaha noocaas oo kale ah marka uu ku dhaqmayo ee uu ka fikiro waxa qaranka u fiican balse aanay ka fikirin wixii u dan ah isaga.

La soco..

Barkhad-ladiif M. Cumar

Email:barkhadladiif@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com