Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasarada warfaafinta dhaqnka iyo wacigalinta Cabdilaahi Maxamed Daahir cukuse oo ku sugan dalka itoobiya gaar ahaan jigjiga

“Waxaanu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya u dirayaa salaan anigoo u soo jeedinaya inay midoobaan isku duubnaadaan maadaama oo aynu nahay laba dal oo deris ah nolol wadaag leh, deegaan wadaaga, walaallo ah oo dunidda isugu xiga (wasiirka wasarada warfaafinta dhaqnka iyo wacigalinta)cabdilaahi maxamed daahir cukuse oo ku sugan dalka itoobiya gaar ahaan jigjiga

Jig-jiga (msl)- Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla markaana ay xubno ka yihiin Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Xasan Siciid oo marti-qaad ka helay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya, ayaa shalaykala qeyb galay dabaal-dega Munaasibadda ciidul fidriga shacbiweynaha ku dhaqan Magaaladda Jig-jiga.

Wasiirku waxa uu sheegay inay maanta salaadii ciidul fidriga kula ciideen magaalada Jig-jiga shacbiga iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa na casuumay Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, annagoo maanta dadka Muslimiinta ah ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Caasimadda Jigjiga kala qayb-galnay tukashada Salaadii Ciida, waanu la ciidnay, waxaanuna ku faraxsan nahay jawiga aanu Jigjiga kula kulanay, jawigaas oo wanaag hufnaan iyo nadiifi ka muuqato nimco faro badan iyo raxmada eebe ayaa u dheerayd farxada ciidal fidriga.”

“Waxaanu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya u dirayaa salaan anigoo u soo jeedinaya inay midoobaan isku duubnaadaan maadaama oo aynu nahay laba dal oo deris ah nolol wadaag leh, deegaan wadaaga, walaallo ah oo dunidda isugu xiga,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo u waramayay warbaahinta qaarkeed.
Mudane Cabdilaahi Cukuse waxa uu intaas ku daray “Waxaynu ku qasban nahay in nimcaddaas aynu haysano labadeenuba ilaashano, nabadda ilaashano oo aynu iimaankeena ogolaysiino Wanaag”.

Wasiirka warfaafintu waxa uu ku ammaanay saxaafadda Somaliland inay waddaniyadoodu soo korayso, waxaanu yidhi “Saxaafadda waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan hambalyo, marka labaad, waxaan ku ammaanayaa Saxaafadda Madaxa-banaan iyo ta dawladdaba oo wakhtiyadan danbe wadaniyadoodu ay maalinba maalinta ka dambaysa soo koreyso.”

Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu ku booriyay saxaafadda inay anshaxa dhawraan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ku dhiiri galinayaa inay dariiqaas hayaan oo ay waddaniyadda iyo dadnimada eegaan, oo ay akhlaaqda suxufiga wanaagsan eegaan kuna dhaqmaan, waxaan sidoo kale u soo jeedinayaa inay xeerarka iyo qawaaniinta Jamhuuriyadda Somaliland dhawraan, sida ay iminkaba intooda badani u shaqeyso, inta yar ee seegtana waan u soo jeedinayaa inay u soo noqdaan.”

Wasiirka Warfaafinta oo la weydiiyay xidhiidhka ka dhaxeeya dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi “Dawladda deegaanka Soomaalidu, waa Biriishka isku xidha Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya, xadka Somaliland la leedahay Itoobiya waa kan dawlad deegaanka, laba shacab waa walaalo, xidhiidh ganacsi ayaa ka dhaxeeya, Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya taas ayuu si dhab ah u ogyahay.”

“Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar waxa uu sidoo kale horumar iyo biyo soo saar ka samaynayaa deegaanka gaar ahaan qaybaha deegaankan Soomaalida Itoobiya ka midka ah ee ay shacabka reer Somaliland-na degaan. Markaa si kasta xidhiidhkaasi waa mid meel fiican hadda maraaya.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com