Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Caasimadda dalka Soomaliya ee Muqdisho ayaa diyaarad hub iyo saanad milatari oo kala duwan u siday ciidamada nabad illaalinta ee Midowga Afrika ee AMSIOM

Kampala- (msl)- Wararka ka imanaya caasimadda dalka Soomaliya ee Muqdisho ayaa xaqiijinaya in saaka oo Jimce ah diyaarad hub iyo saanad milatari oo kala duwan u siday ciidamada nabad illaalinta ee Midowga Afrika ee AMSIOM ay ku gubatay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, waxaana ku dhintay Seddex ka mid ah shaqaalihii diyaaradda halka kuwo kelena ay ku dhaawacmeen, waxaana halkaa ku shuf beelay gebi ahaanba hubkii iyo qalabkii milatari ee saarnaa.

Masuulliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in gubashadda diyaaraddani ay ka danbaysay markii ay si khaldan u soo cago dhigatay garoonka .
Wararka qaar ayaa tibaaxaya in diyaaraddan laga lahaa dalka Ethiopia, lamana oga illa iyo hada halka ka
soo duushay ee ka keentay hubka iyo saanadda milatari ee ay siday, mana jiro wax war ah oo ku saabsan gubashadda diyaaraddan oo ka soo baxay ciidamadda AMISOM, waxaanu shilkani noqonayaa kii u horeeyay ee .

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com