Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Masuuliyiinta iyo xubnaha Gollaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta ee dalka Switherland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Mdaxweynae Axmed Siilaanyo uu ka warwareego la kulanka xubnaha Siyaasiyiinta

(msl) Masuuliyiinta iyo xubnaha Gollaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta Somaliland ee dalka Switherland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Mdaxweynae Axmed Siilaanyo uu ka warwareego la kulanka xubnaha Siyaasiyiinta, mujaahidiinta iyo aqoonyahanadda Gollaha madax banaan ee wadatashiga iyo toosinta, waxa kale oo ay dhaleeceeyeen doorka uu arrintan ka qaatay Guddoomiyaha golaha guurtidu, iyaga oo sidoo kale ugu baaqay Gollahan cusub inay halkooda ka sii anboqaadaan waajiboodka qaran ee wadatashiga iyo toosinta ah ee lagu badbaadinayo jiritaanka Somaliland, waxaanay sidaa ku sheegeen qoraal saxaafadda loogu tallo galay oo ay ku saxeexan yihiin masuuliyiinta iyo xubnaha Gollaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka ee dalka Swithzerland oo goor dhawayd nuqul ka mid

ah la soo gaadhsiiyay Hadhwanaagnews, oo u dhignaa sidatan.

ASC, Marka hore Shacabka Somaliland waxaanu leenahay CIID MUBAARIK, Intaa ka dib, Waxa ayaan daro ah in maaata siyaasiiinta waawaynayd ee magaca iyo sharafta taariikhiga ah iyo karaamada aaan la soo koobi kari iyo abaalka aan la gudgi karin ee aan duugoobin ku dhex lahaa shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhawaaqay gollaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka in uu maanta Madaxwayne Siiranyo iyo taageerayaashiisa khaaska ahi ay si gabasho leh ugu guul daraysteen inay soo hor fadhiistaan oo uu Madaxweynuhu runta illaa hada warwareegayo.

Sidoo kale, waxa la yaab leh in Guddoomiyihii Gollaha Guurda Saleebaan Gaal, oo la filayay in uu arrintan oday ka noqdo, in uu sii badheedh ah oo caadifad qabiil ka muuqato uu dhinaca u saaray Madaxweyne Siillaanyo iyo kooxdiisa, isaga oo maanka ku haya fullinta shirkii Garadag.

Waxa kale oo shacabka Somaliland amagaag ku noqotay in Wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo uu horeeyo Wasiirka barnaanka ah ee Xirsi ay aflagaadooyin joogta ah ku hayaan cayda ay warbaahinta u marinayaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada mujaahidiinta ah ee kalsoonida weyn ku leh bulshada ee ku dhawaaqay Gollahn cusub, oo ay ku jiraan Mujaahidiintii u horaysay ee ku dhawaaqa Urrurka SNM, isla markaana xillal sarsare ka soo qabtay Somaliland,

Sidoo kale waxa wax laga xishoodo ah in Wasiirka yar ee kibirsan ee Xirsi, uu soo faqo sheekooyinkii qaaxo, iyada oo lawada ogaa oo laga wada dharagsan yahay gabood falyadii uu Axmed Siillanyo geystay xilligii uu hayay hogaanka sare ee SNM.

Hadaba, hadii aanu nahay Masuuliyiinta iyo xubnaha garabka golaha madax banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranimada Somaliland ee dalka Swithzerland oo ay xubno ka yihiin in ka badan 220 qof,waxaanu leenahay wada hawshiina aad ugu gurmanaysaan toosinta iyo wadatashiga lagubadbaadinayo jiritaanka Dimoqraadiyadda,horumarka iyo gooni isu taaga Somaliland ee jarka ka sii laalaada.

Ugu danbaytii, Madaxweyne Axmed Siillanyo iyo Kooxdiisa waxaanu leenahay NIN LOO TUMAY LOOMA TALLIN EE YAAN LAGUU TUMIN DURBAAN BEEN AH. Shacabka Somalilandna waxaanu leenahay meel kasta oo ay joogaan Isku duubnibaa dadkayagow Dulli kaga baxdaan, Sharaf daa intiyo, deeq iyo wanaag ku durduurataan.

SIDAA IYO CIID MUBAARIK

1-Guddoomiyaha Gollaha Axmed Qoorcadde

2- Guddoomiye Ku xigeenka Golaha C/Nasir biixi sheekh doon.

3-Isuduwaha golaha xaamud ismaaciil koode.

4/cabdilaahi aw axmed.

5/khadar buur

5/cabdi cumar xashi

6/maxamed balayax

7/kayse maxamuud cabdi kayse biil

8/ cali gaaxnuug yuusuf

9 /aniisa axmed cali

10/ maryan naasir suldaan .

11/ maryan naasir suldaan.

12/ mawliid qorane k m/ canaboodhe

13/maxamed faarax xasan qarbesh

14/ cumar maxamed jaamac

15/ fuaad maxamed jaamac

16/ axmed muse aw axmed .

17/ iid cali gadhle.

18/ mukhtaar cabdi xasan .

mustafe colmadaw.

mr kaynaan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com