Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qormadii -20 aad – Somaliland waxay ku danbeysey Qawleysato Qowdhameysa iyo Qaranimo is Qaawisey!!

Ciid wanaagsan oo wacan dhamaan shacabka gobta ah ee reer Somaliland. Alleh hayna siiyo Barakada Ciidul-fitrida, Amiin = Aamiin!

Waxaa afka baarkiisa noqdey oo meesha ka baxey Dimuqraadigii curdinka ahaa ee Somaliland dhab-dhabaneysey ,kadib markii xukuumadii horseeday qabyaalad cadaan ah oo aan cidna lagala gaban. waxaana shaqadii loo igmadey dayacey oo jeebkii xukuumada galey Guurtidii iyo Golihii sharci dejinta ee looga fadhiyey in ay dhameystiraan oo naaxiyaan si dimuqraadiga curdinka ahi uu u-qaan-gaadho.Bal ka-warama iska daa dimuqraadi la kool-kooliyee, siyaasad xummada xukuumada ee hada iyo weerarka joogtada ah ee xukuumadii caadeysatey ee ay u-isticmaasho TV gii qaranka kuna weerarto cid-kasta oo fikirkeeda dhiibata ama cabirta iyada oo dastuurka qaranku uu xaq u-siinaayo

muwaadin kastana u- damaanad qaadaayo ,oo xaq-u-siinaayo in uu Muwaadin kastaa aragtida fikirkiisa, dhiibashada rayigiisa, cabirista maskaxdiisa, hilaadinta indheer-garad-nimadiisa, abaabulka dhigiisa, sheegista iyo meel-marinta taladiisa, edeeynta iyo toosinta xukuumadiisa uu intaba uu xor u-yahay ,xaqna u-leeyahay isaga oo dhawraaya oo aan ku-talax tageyn milgaha, karaamada iyo xuquuqda muwaadin-kasta uu siiyey dastuurka qaranku, Waa hadii aynu run-sheeg nahay oo ay inaga dhab-tahay in aynu dhab-dhabano oo kab-kabano oo dhirin-dhirino ka-dibna kool-koolino Dimuquraadigeena silan ee sidkan ee saboolka ah ee saqiirey ee solmay ee socod-baradka ah ee ay sii ragaadisey xukuumadii ee ra-ranka maanta saarmey.

Xukuumadii oo beelnimo ka dooratey qaranimadii taas oo ku fashilantey in ay is waafajiso hab-dhaqan maamuleedkii guud ee wadanka, waxaa kale oo ay ku fashilantey in ay shacabkii Somaliland ee iyada doortey in ay ka dhigto hal qoys oo wax-walba wadaaga ka dib markii xukuumadii baal-martey in ay manfacii iyo mansabkiiba ay u-qaybiso hab sinaan iyo cadaalad ku dhisan.waa xukuumad bur-burisey oo baalmartey Dastuurkii wadanka u-yaaley taas oo caadeysatey in ay dhiiri geliso qabyaalada,musuq-maasuqa, is-kooxeysiga, isku dirka iyo kala fogeynta ummadda walaalaha ee danta guudi ka dhaxeyso.waxaa waxgaradku isku raacey in ay u muuqato in siyaasada xukuumadu ay duulaan ku tahay wada jirka iyo wado jooga bulshada iyo wadaaga ka dhexeeya dhamaan ummadda somaliland.Markaad u-fiirsato saska iyo sakatiga ay xukuumadu hada ka qaadey Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo sifafaalaha sida ay dhegaha uga fureysatey waa mid aaney danta guud ee Somaliland ku jirin taas oo hadii aan dhawaan maare loo helin sababi karta guux badan,raran iyo kacdoono ka dhaca dhamaan gobolada wadanka ama qaarba.

Xadhiga dhawaan iyana la xidh- xidhey shacabkii reer Abdaal iyaga oo fikirkooda cabiraaya oo taa-geeraaya Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka wuxuu ahaa mid baal-marsan dastuurka Qaranka iyo xorital qowlka uu muwaadin kasta uu dastuurku siinaayo.taas ah colaad cadaan ah oo dawlada iyo guul-wadayaasheeda darban ee dalabka ku-shaqeeyaa ay ugu badheedheen in bishii barakeysneynd ee Rabadaan in shacabkaa reer Abdaal ee rayidka ah in cibaadada la dhaafiyo oo la cabudhiyo loona isticmaalo awood dawladeed oo khasab ah iyo xirfadihii uu Siyaad Bare ku fashilmey ee lagu afrogey.Siyaasada xukuumada Siilaanyo waxay ku dhisan tahay khiyaamo qaran, nifaaqo, maalin-riyood, been-abuur,xaq-soor la´aan iyo xeerarkii yaraa ee inoo yaaley iyo dastuurkii wadanka oo laga yeelo la-jiifiyaana banaan.oo qodob qodob loo sarifto iyada oo mar-walba la leekey-siinaayo danahooda gaar ka u ah.Waxaana hada ummadda Somaliland wax-garadkeeda u cadaatey in ay Siyaasada Xukuumadu ay isugu soo biyo shubatey Siyaasad kooxeysan ,oo dhinac ka raran oo qorsheysan oo qorshe fog wadata ,taas oo ku saleysan talo kooxeed iyo is maqal xisaab iyo xirfado u-gaar ah lagu kala hago oo la doonaayo in ilaha dhaqaalaha,anfaca iyo asadka wadanka ay mustaqbalka kooxdaasi u-hadhaan oo kala dilaalaan.noqdaana mulkiilayaal minopoli wadanka kuhaysta. bal-u-yara fiirso deeqaha iyo mucaawimooyinka wadanka soo gala sida ay u-soo galaan iyo sida ay u-baxaan, konrataryada wadanka gaar ahaan kuwa macdanaha kala duwan iyo sahaminta batroolka sida loo bixiyo iyo cida la siiyo,Liisamada la bixiyo cida la siiyo iyo sida loo bixiyo, lacagaha faraha badan ee madaxtooyada ku soo qul-qula ee aan lagaraneyn sida ay ku baxdo iyo cida la siiyo. waxaa dhamaan anfacii,asadkii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee wadanka lagu qaybsadey qol-madow ,qusum iyo qoon iyo nidaam silan oo ka reeban sinaan iyo cadaalad, taas oo baal-marsan xeerarkii iyo dastuurkii wadanka u-yaaley.

Guntii iyo geba-gebadii: Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxay tasteexo u-yihiin xukuumada Siilaanyo.iyo bad-baadinta qaranka Somaliland. Maadaama ay Somaliland ku soo caano maashey oo heerkan ay maanta mareyso ku- soo gaadhey wada- tashi , is-maqal, gar-naqsi,isu- tanaasul, iyo wada-shaqeyn joogto ah.

Alleh Ayaa Mahada Leh,
Wa-Laahum-Aclum.Wa-Bilaahi-Tow-fiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdon
London

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com