Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawacadii Dayo iyo khiyaamadeedii

dacawadii-iyo-khiyaamadeedii

 

 

Waxa la yidhi beribaa waxa deris ahaa Dawaco iyo Waraabe, Waraabuhu wuxuu lahaa xoolo badan, Dawacaduna waxay lahayd xoolo yar. Dabadeedna Dawacadii (Dayo).

Waxay damacday in ay Waraabaha ka khiyaamayso oo xoolahiisa faraha badan iyada oo isticmaalaysa khiyaamadii ay caanka ku ahayd.

Markaasaa waxay bilawday inay Waraabahii is jeclaysiiso, mudo markii ay is jeclaysiinaysay ayay maalintii dambe ku tidhi:

Waraaboow waynagan mudada dheer deriska ahayne waxaan doonayaa in aynu isguursano.

Dabadeedna waraabahii isagoo moodaya in ay Dacawadii isaga daacad u tahay ayuu yidhi:

Waa saxe aynu isguursano.

Markaasay dabadeedna isguursadeen.

Maalinkii danbe ayay dawacadii Dayo Waraabahii oo hurda dabadeedna intay gurigii ka tagtay ayaa waxay u tagtay Libaax.

Libaax weyn oo maalmahanba doonayey cid xoolaha ilaalintooda ka nasisa.
Dabadeedna waxay ku tidhi:

Libaaxoow miyaad daalantahay

Markaasuu Libaaxii ugu jawaabay:

Haa waan daalanahay.

Dabadeedna intay libaaxii hoosta ka soo gashay ayaa waxay ku tidhi

“Iska seexo anigaa xoolaha kuu ilaalinaya’e.

Markaasaa Libaaxii intuu aad u farxay ku yidhi Dacawadii:

” Waan seexanayaaye xoolaha si fiican iigu ilaali.”

Markaasey tidhi ” igu halee!”

Libaaxii baa dabadeedna hurdo macaan seexdey. Dayo inta xoolihii dhex gashey bay kii ugu buurnaa ee ugu shishlaa ka cuntay.

Dabadeedna intay hilibkii neefka ka dheregtay ayay in yar oo hilibkii neefka ka mid ah intay soo qaaday Waraabihii oo weli gurigii iska hurda intay u timid afka ka mar marisay cadkii yaraa ee ay siday dufankiisii.

Ka dibna intay carartay ayay xoolihii dib ugu noqotay. Libaaxii baa markuu hurdadii ka dhergay intuu toosay u tegay Dacawadii oo xoolihii dhex joogta.

Dabadeedna Libaaxii baa markiiba xoolihii tiriyey, markaasaa waxuu waayey neefkii shishlaa ee Dacawadu ka cuntay.

Dabadeedna intuu aad u cadhooday ayuu Dacawadii ku soo jeestay oo ku yidhi:

” Naa Dacawooy neefkaygii shishlaa xoolaha kuma jiro’e meeyay?

Dabadeedna Dacawadii Dayo ee khiyaamada badnayd intay iska ilmaysiisay ayay tidhi:

“Libaaxoow neefkaagii shishlaa waxaa cunay Waraabe, markaan ka celi is idhina anigana wuu I dilay”.

Markaasuu Libaaxii isagoo aad u cadhaysan intuu soo cararay u yimi Waraabahii oo weli aqalkii dhex hurda.

Dabadeedna Libaaxii waxuu eegay Waraabaha afkiisii, markaasuu ku arkay hilibkii Dacawadu mar marisay dhiigiisii iyo dufankiisii, dabadeedna Waraabahii ayuu halkaas ku cunay.

Dacawadiina waxay dhaxashay xoolihii Waraabaha ee faraha badnaa oo ay kuligood wada qaadatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com