Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cigaal Shiidaad iyo Subxaanyo

cigaal-iyo-subxaanyo
Carruureey beribaa Waxa la yidhi  maalinbaa Cigaal Shiidaad oo geed hoostii  hurda ayay Subxaanyo dhex martay sankiisa iyo dibintiisa sare dhexdooda.

Subxaanyadu waa Mas yar oo aan waxba qaniinin, wax sun ahna lahayn.

Dabadeedna ninkii Cigaal Shiidaad intuu toosay ayuu oohin  bilaabay isagoo kor u qaylinaya.

Markaasaa lagu soo yaacay  oo la weydiiyey waxa uu  la ooyayo.

Dabadeedna Cigaal Shiidaada baa dadkii ku soo yaacay waxuu ku yidhi:

anigoo hurda ayay Subxaanyo sankayga iyo afkayga dhexdooda martay,

markaasaa hadana la weydiiyey: miyay ku qaniintay,

markaasuu Cigaal  Shiidaad yidhi

maya imay qaniinin.

Markaasaa hadana intay dadkii oo dhami la yaabeen la weydiiyey:

oo hadaa maxaad la ooyaysaa?

Markaasuu hadana isagoo weli sii ooyaya ku jawaabay:

waxaan ka baqanayaa inay sankayga iyo afkayga dhexdoodu wado halaq noqoto.

Dabadeedna dadkii intay ku qosleen ayay iskaga tageen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com