Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal ayaa qorsheyneysa in si dhaqsi ah ay 14 milyan oo gini uga soo iibsato kooxda Bayern Munichen, xiddigga khadka dhexe ee Luis Gustavo. Sidaas waxaa qortay jariiradda Daily mirror.

(maantasomaliland) Kooxda Arsenal ayaa qorsheyneysa in si dhaqsi ah ay 14 milyan oo gini uga soo iibsato kooxda Bayern Munichen, xiddigga khadka dhexe ee Luis Gustavo. Sidaas waxaa qortay jariiradda Daily mirror.

Arsenal ayaa dooneysa in Gustavo ay ka dul-qaaddo kooxaha Chelsea iyo Wolfsburg oo iyagana daneynaya adeegga ciyaaryahankan caalamiga ah ee u dhashay dalka Brazil.

Gustavo oo 10 jeer u saftay xulka qaranka Brazil ayaa la rajeynayaa in heshiiskiisa Emirates Stadium lasoo gaba-gabeeyo ka hor inta uusan billaaban horyaalka Ingiriiska toddobaadka soo socda.

26 jirkaan ka ciyaara khadka dhexe ee raacashada leh, ayaa kooxdiisa u sheegtay in ay iibineyso kagadaal markii uu boos joogto ah ka waayay kooxda, isla markaana ay kooxda soo iibsatay Thiago Alcantara.

“Ma jirto ilaa hadda wax dhammeytiran oo la hubo” ayuu yiri Wenger oo ka hadlayay heshiiska Gustavo.

“Waxeynu ciyaari doonnaa xilli-ciyaareedka cusub 55 kulan, waxaana heysannaa koox caqli ahaan xoogaa yar” ayuu sii raaciyay, isagoo muujiyay in loo baahan yahay xiddigo cusub.

Dhinaca kale wuxuu diiday Wenger in uu ka quustay saxiixa luis Suarez oo weerarka uga ciyaara Liverpool, kaas oo aad loola xiriirinaayay toddobaadyadii u dambeeyay.

“Wali kama quusan Suarez, haddii aan akhriyo dadka waxa ay sheegayaan laga yaabee in aan ka quusto, balse waxaan rajeynayaa in aan qaadan doonno tallaabada ugu haboon” ayuu yiri Wenger.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in xilli-ciyaareedkan ay xafideen xiddigahooda muhiimka ah markii ugu horreysay muddo sanado ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com