Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Siyaasiga Fu’ad Aadan Cade ayaa ka dhawaajiyey in hanankii dawladnimo ee dhanka horumarku ka maqan yahay guud ahaan deegaanada Gobolka Sool.

Hargeysa (maantasomaliland) Fu?aad Aadan Cade oo ah la-taliyaha arrimaha bariga ee madaxweyaha Somaliland ayaa carabka ku adkeeyey in xukumadan iyo tii horeba ay ka gaabiyeen horumarinta Gobolka Sool, waxaanu sheegay in dadka deegaankaas ay aad ugu haraad qabaan waxqabad la taaban karo.

Fu’aad ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay

sidii laysku soo gaadhsiin lahaa beelaha Somaliland, waxaanu sheegay in deegaanada gobolka uu ka soo jeedaa haatan u baahan yihiin Caafimaad, wadooyin, waxbarasho iyo wax kasta oo horumar ah, taas oo uu sheegay inay ka gaabisay xukumadu.

La-taliyaha arrimaha bariga ee madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu u waramaayey wargeyska Haatuf ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Mar waxa laga waydiiyey qaabka uu u arko darajooyinka ciidanka ee la qaybiyey waxa uu soo jeediyey in laysku ixtiraamo oo laysku sharfo, taas oo u muuqatay inuu soo dhaweeyey.

Sidoo kale mar la waydiiyey magacaabista wasiirada cusub ee dhawaan loo magacaabay, wuxuu sheegay in hada uun laga filaayo waxqabad la mida kuwo wasiirada kale, isaga oo xusay inay hada isku haystaan Caafimaadkii, Biyihi iyo wadooyinkii.

Ugu danbayntii Fu’aad Aadan Cade wuxuu ifitiimiyey qaabka ay bulshada Gobolka Sool baahida weyn ugu qabto horumarka, isaga oo sheegay inay qaylo dhaan ba’ani ka soos yeedhayso had iyo jeer.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com