Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dalwaladda Ingiriiska bayaa qirtay in Al shabaab ka dhacday lacag dhan ?500,000 lacagta ingiriiska ah, taasoo ay ugu talagaleen inay gargaar ahaan ku gaadhsiiyaan dadka ku tabaalaysay dalka Soomaaliya.

London (maantasomaliland)- Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dalwaladda Ingiriiska bayaa qirtay in Al shabaab ka dhacday lacag dhan ?500,000 lacagta ingiriiska ah, taasoo ay ugu talagaleen inay gargaar ahaan ku gaadhsiiyaan dadka ku tabaalaysay dalka Soomaaliya.
Waddanka Ingiriisku wuxuu sheegay in kooxda Al Shabaab dhacday lacagtan gargaarka ah iyo qalabo kale oo loogu talagalay in dhibaatooyinka Soomaaliya ka jirta wax lagaga qabto.
Waaxda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska waxay
sheegtay in lacagtan gacanta u gashay Al shabaab intii u dhaxaysay November 2011 ilaa Febraury 2012.

Waxa hantidan iyo lacagtan la dhacay bilaabantay November 2011, kadib markii Al Shabaab tagtay goob ay degen yihiin hay?ad ay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ay gargaarka u dhiibto.

?Hay?adda nala shaqeeya wax digniin ah kama haystaan hawlaha ay fulinayaan, waqtina uma hayaan inay iska ilaaliyaan khataraha ku soo wajahnaan kara, waxaannu ka shaqaynaa meelo aad u khatar badan oo Soomaaliya ka mid tahay, sababtoo ah waa meelo faqrigu hadheeyey, xasilooni darraduna hoy u noqotay, waana in aannu nabada adduunka ka shaqaynaa,? ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Waaxda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah.

Arrintan ayaa keentay cabsi laga qabo in dawladda Soomaaliya aanay awood u lahayn ilaalinta qalabka iyo shaqaalaha gargaarka fidinaaya, waxaanay dawladda Ingiriiska Golaha Wasiirradeedu ansixiyeen go?aan lagu adkaynaayo caawimada Soomaaliya in ay meelo khaldan marto.

Dawladda ayaa ku talo jirta in dawladda Soomaaliya ay siiso ?11 bilyan oo lacagta Ingiriiska ah.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com