Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida mudane Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdi Waraabe ) ayaa xukuumadda Somaliland ku ammaanay darajooyinka ay u qeybisay 10 kun oo askari oo ka kala tirsan noocyadda kala duwan ee ciidammadda.

Hargeysa (maantasomaliland)-Gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida mudane Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdi Waraabe ) ayaa xukuumadda Somaliland ku ammaanay darajooyinka ay u qeybisay 10 kun oo askari oo ka kala tirsan noocyadda kala duwan ee ciidammadda.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka joogtadda ee aqalka odayaashu waxa uu sidaasi ka sheegay kulan gudidoodu la yeelatay Guddi madax banaan oo iskood iskugu abaabulay inay hirgelinta maxtabadda Buugaagta ee qaranka.
“Xukuumadda maanta jirtaa waxay bixisay darajooyinkii, markaa maanta dawlad baynu nahay markaa ALAA MAHAD leh, xukumada iyo shacabka nabada jecel ayaa mahada leh,”ayuu yidhi Xaaji Cabdi Kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe).

Geesta kalena Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xabdi Waraabe) ayaa waxa uu baaq u diray dawladda, ganacsatada, qurba jooga iyo cidkasta oo uu u soo jeediyay inay gacan ka geystaan sidii loo hirgelin lahaa maxkatabadda qaranka. Waxaanu yidhi “Xukuumadda, ganacsatadda, shacabka rag iyo dumar-ba waxaan ugu baaqayaa in ay gacan ka gaystaan dhisamaha xarunta maxtabadda qaranka.

Culimadda diintuna waa in ay masaajida ka sheegaan waxtarka iyo baahidda ay bulshada u leedahay xarumaha noocan oo kale ahi. Xarumahani waa qaar lagu dhiiri galinaayo wanaaga laguna yaraynayo xumaanta. ” Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Arrintani waa wax wayn oo inaga maqnaa, waana waslad dahab ah. Waxaan leeyahay ha loo dadaalo.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com