Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa beeniyay war ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku sheegeen in maalintii ciida carafo garoonka magaalada Ceerigaabo lagaga qayliyay wasiiro kala qaybgalay munaasibadii ciida.

Ceerigaabo (maantasomaliland) -Maayarka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa beeniyay war ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku sheegeen in maalintii ciida carafo garoonka magaalada Ceerigaabo lagaga qayliyay wasiiro kala qaybgalay munaasibadii ciida.

Ismaaciil Xaaji Nuur oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa dhinaca kale ku hambalyeeyay madaxweynaha Somaliland bixinta wejigii labaad ee derajadii ciidamada kala duwan, waxaanu ku tilmaamay geesi ku guulaystay hirgelinta derajada ciidamada dalkan Somaliland.

Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo beeninayay warkaa laga qoray wasiiradii shacbiga Ceerigaabo kala qaybgalay salaadii ciida, waxa uu yidhi “waxa jirtay inay qortay jariirada la yidhaahdo Waaheen in dhibaato ka dhacday garoonka kubada cagta ee magaalada Ceerigaabo ee lagu ciiday, wasiirada noo yimi arrintaa waa beeninayaa wax ka jiraana ma jiraan sal iyo raad toona ma leh cid wasiirada ku qaylisay ama dawlada ku qaylisay ma jirto, waxaanu ku ciidnay waa nabad wax dhibaato ka dhacay ma jiraan”.

Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur mar uu ka hadlayay derajada la siiyay ciidanka qalabka sida waxa uu yidhi “Raggii loo soo dhiibay darajada ee bixinayay ayaa noo yimi darajadii waa la bixiyay si nabada ayay ku baxday waa la xidhan yahay, waan ku hambalyaynaya madaxweynaha iyo dawladiisa darajooyinkaa dhiirida leh ee talaabadaa ay qaadeen xukuumadu aad baan ugu hambalyaynayaa madaxweynaha waan ugu ducaynayaa”.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com