Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha liverpool Brendan Rodgers: Inta Suarez Uu Diidayo Raaligelin Xal Lama Gaarayo, Mana Ciyaari Doono.

Brendan Rodgers ayaa sheegay inaysan jirin doonin wax xal ah oo laga gaarayo go’aanka Liverpool ilaa iyo inta Luis Suarez uu diidan yahay inuu raaligelin bixiyo.

Rodgers ayaa dalbanaya in weeraryahanka reer Uruguay uu raaligelin ka bixiyo habdhaqankiisii ugu danbeysay, halka Suarez aysan qorshaha ugu jirin inuu raaligelin bixiyo isagoo aaminsan inuusan wax qalad ah sameynin.

(maantasomaliland) Suarez ayaa laga saaray kooxda Liverpool waxaana uu tababar u qaadanayaa si gooni ah, iyadoo Rogders uu sheegay inuu sidaas sii ahaan doono ilaa iyo inta uu raaligelin ka bixinaayo.

Waxa uu u sheegay website-ka kooxda: “Wax badan ayaa laga hadlay arintaan, waxaana qaadanay go’aan aan ku taaganahay koox ahaan iyo tababare ahaan.

“Hadii uusan kooxda naftiisa u hureynin markaas ma ciyaari doono. Waa wax sidaas u sahlan.

“Hadii ay tahay inaan fariisano oo aan sugno inta xal la gaarayo markaas sidaas ha ahaato. Laakiin kooxdaan waxa ay leedahay qiimo weyn, waxaana rajeyneynaa in si saaxiibtinimo wax loo xaliyo.

“Ma jirto qilaaf naga dhaxeeya aniga iyo isaga. Laakiin sida iska cad waa igu qasab inaan ixtiraamo kooxda iyo ciyaartoyda.

“Waxba ma ahan qofkaad tahay, hadii aadan kooxda u dadaaleynin hoos ayaad u wadaa.

“Sidaasi darteed inta aan ka helayo balanqaad ah inuu boqolkiiba 100 inoogu ciyaarayo, markaas ma jiri doonto xal la gaarayo.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com