Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suarez Oo Diiday Ineyn ka Hadlaan, Xiddigaha Xulkiisana Ka Mamnuucay Inay Ka Hadlaan Mustaqbalkiisa.

(maantasomaliland) Luis Suarez ayaa mamnuuc ka dhigay inuu ka hadlo isku daygiisa uu uga tagayo Liverpool inta uu ku maqan yahay ciyaaraha heerka caalami, sida ay qortay Daily Mail.

Weeraryahanka doonaya inuu baxo ayaa xulka Uruguay ku biiray ka hor kulan saaxiibtinimo ee ay arbacada la leeyihiin Japan, inkastoo dhaawac cagta ah uu qabo.

Kulamada heerka caalami ayaa loo adeegsadaa meel ay ciyaartoyda isku kacsan yihiin kooxahooda ay ku soo degaan in muddo ah.

Laakiin Suarez, oo si aad ah uga hadlayay isku daygiisa uu ku doonayo inuu kooxda uga tago, ayaa isbuucaan diidi doona inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira mustaqbalkiisa.

Waxaa intaas sii dheer, waxaa la fahamsan yahay in weeraryahanka uu weydiistay saaxiibadiisa xulka Uruguay iyo FA-ga Urugauy inay ka aamusaan arinta la xiriirta mustaqbalkiisa.

Suarez ayaa si aad ah weli u doonaya inuu ka tago Anfield xagaagan, wakiilkiisa Pere Guardiola ayaana rajeynaya inuu wadahadalo dheeri ah la yeesho madaxda kooxda dhamaadka isbuucaan si uu uga danbeyn ciyaaryahankiisa uga saaro Anfield.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com