Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Koxda Man City oo Difaac cusub raadineysa markii 8 gool laga dhaliyay “Cannavaro iyo Papa

(maantasomaliland ) Macallinka kooxda Man City, Manuel Pellegrini ayaa raadinaya difaac cusub oo ka ciyaari kara qalbadda dhexe ee daafaca kagadaal markii kooxdiisa la daba-mariyay 8 gool seddexii kulan ee u dambeysay ee ciyaarraha tijaabada.

City ayaa horey xili-ciyaareedkan u qarash-gareysay 90 milyan oo Gini oo ay kusoo iibsatay Afar ciyaaryahan.

Bartilmaameedkii koowaad ee macallinkan u dhashay Chile oo ahaa Pepe, ayay kooxdiisa Real Madrid u sheegtay in uusan beec ahen.

Pellegrini ayaa billaabay in uu calaamadeysto dooqyadiisa kale, isagoo hadda ka fikiraya daafaca kooxda Schalke, Kyriakos Papadopoulos, iyo kabtanka kooxda Napoli, Poulo Cannavaro.

Kyriakos Papadopoulos, ayay kooxdiisa reer Jarmal sheegtay in ay iibineyso haddii ay ku hesho qiimo macquul ah, iyadoo madaxa sare ee kooxda Schalke uu caddeeyay in uu haayo dhowr dalab oo difaacan Greece u dhashay lagu doonaayo.

City ayaa qiimeyneysa xaaladda difaaca 32 jirka ah ee Poulo Cannavaro oo ay u aragto dooq kale oo macquul ah. Poulo oo kabtan u ah Napoli ayaa la dhashay Fabio Cannavaro oo koobka adduunka u qaaday Taliyaaniga 2006-dii.

Pellegrini ayaa hadda heysta laba difaac oo kaliya billowga xilli-ciyaareedka cusub, Kombany iyo Lescott, iyadoo Nastasic uu dhaawac qabo halka Kolo Toure uu ka tagay kooxda.

Man City ayaa kulankii u dambeeyay ee kulamada tijaabada ah waxaa 3-1 ku garaacday kooxda Arsenal, iyadoo kabtanka kooxda Vicente Kombany uu horey u sheegay in kooxdu u baahan tahay difaac cusub.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com