Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Koxda Seville oo shaacisay in Kondogbia uusan iib aheyn

(maantasomaliland):-Madaxweynaha kooxda Seville ee dalka Spain, Jose Maria Del Nido ayaa ku adkeystay in xiddiggiisa khadka dhexe ee Geoffrey Kondogbia uusan aheyn beec, kagadaal markii uu lasoo wareegay 20 jirka reer Uruguay ee Sebastian Cristoforo.

Kondogbia ayaa Seville kaga soo biiray kooxda Faransiiska ah ee Lens xagaagii hore, balse waxaa lala xiriirinayay xagaagan in uu u dhaqaaqayo kooxo waaweyn.

Kooxaha waaweyn ee horyaalka Ingiriiska Arsenal, Chelsea, Manchester City iyo Manchester United oo lagu daray Real Madrid ayaa dhammaantood muujiyay sida ay u daneynayaan saxiixa da’ yarkaan reer France.

Si kastaba, kadib markii kooxda Seville ay weysay xilligan xiddigo ay ka mid yihiin Navas, Negredo iyo Gary Medel ayay go’aansatay in aysan iibin Kondogbia.

“Kondogbia iib maahan xilligaan, qof kasta oo doonaya waa in uu bixiyaa lacagaha heshiiskiisa lagu kansali karo oo ah 20 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 17.2 milyan oo Gini” ayuu yiri madaxweynaha Seville, Jose Del Nido.

Seville ayaaa 2.25 milyan oo yuuro kusoo iibsatay xiddigga da’da yar ee Cristoforo oo ka tirsanaa kooxda Penarol, wuxuuna u saxiixay Shan sano oo heshiis ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com